Madaxweyne Farmaajo oo u jawaabay xubnaha DF ku dacweeyey caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo madaxda kale ee dowladda ku dacweynaya Beesha Caalamka ay yihiin kuwa doonaya in ay dowladda dumiyaan.

Waxaa uu sheegay in Mucaaradnimada ay wanaagsan tahay laakiin in Beesha Caalamka la isku dacweeyo ay tahay dowlad dumin iyo faragelin shisheeye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dad badan ay u maleeyaan haddii beesha Caalamka aysan taageerin dowladda in aysan dowladda dhaqaaqi Karin, dad badanna ay isdhiibeen.

“Dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la bedelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dadka dowladda ka soo horjeedo ayuu sheegay in yihiin dowlad dumiyayaal ee aysan ahayn mucaarid sax ah oo kala aragti duwanaan ku shaqeeya.

Inkastoo Madaxweynuhu aanu cidna si gaar ah uga carabaabin, hadana hadalkiisa waxaa laga dareemayay inay jawaab u yihiin dhaq dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi, halkaasoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula shirsan yihiin Beesha Caalamka, sidoo kalena siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadda ayaa iyana shir ku leh Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com