Video: ‘Qoyska leh dhulka’ ay isku hayaan dowladda iyo Muuse Suudi oo xog yaab leh soo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyksa Marxuum Maxamed Cali Dacar oo ahaa siyaasi hore oo ka tirsanaa ururkii SYL iyo dowladii rayidka ayaa ka hadlay dhulka mirinaayada ee degmada Cabdi Casiis oo ay isku hayaan dowladda iyo Xaaji Muuse Suudi.

Dhulkan oo ah xaruntii hore ee ciidamada badda (Ex-Marino) ayaa loo sheegay inuu Muuse Suudi ka guuro, si dowladda ay uga dhigto dhul safaaradaha caalamka ay degaan, ayada oo Muuse uu diiday isaga oo ku doodaya inay siisay dowladdii hore.

Si kastaba, qoyska Maxamed Cali Dacar ayaa sheegay in dhulka la isku hayo uu ku jiro dhul uu lahaa aabahood, oo dowladda ay dooneyso inay dan-guud dhigto, halka Muuse Suudi uu isna xoog ku haysto.

Cabdi Maalik Maxamed Dacar ayaa sheegay inay dhulkaasi ku leeyihiin laba boos oo dhinaca badda ka xiga xarunta uu Muuse Suudi degan yahay Gurigii taliyaha ciidamada Badad, waxaana dhacday inuu dhulkaasi la wareegay Muuse Suudi, kuna darsaday xarunta uu heysto.

Cabdi Maalik Maxamed Cali Dacar oo ku sugan Mareykanka, ayaa faahfaahin ka bixiyey sida dhulkaasi uu aabihii ku milkiyey iyo waxa dhex maray iyaga iyo Muuse Suudi, isagoo caddeeyay in Guddoomiyaha xilligan ee G/Banaadir uu ka mid ahaa dadkii waanwaanta ka galay in dhulkooda looga qaado Muuse Suudi.

Cabdimaalik ayaa soo bandhigaya dokumintiyo muujinaya lahaanshaha dhulkaas oo uu lahaa Aabihiis Maxamed Cali Dacar dhulkaas yeeshay sanadkii 1965, ayna lahaayeen muddo 54 sano ah.

Qoyskan ayaa waxaa isugu darsantay iyadoo dhulkooda markii hore uu awood uga heystay Senator Muuse Suudi, kadibna ay Dan guud uu ka dhigay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana hadda isku heysta dowladda Soomaaliya Senator Muuse Suudi.

Hoos ka daawo Cabdi Maalik

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com