Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.
Ramla ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay qasriga Madaxtooyada oo uu ku qaabilay Madaxweyne Xasan oo ay wehlinayeeen wasiirka ciyaaraha iyo wasiir ku xigeenka oo si aad ah uga shaqeeyay soo dhaweynta gabadhan iyo seygeeda oo dalka yimid todobaadkii hore.
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.
Marwo Ramla Cali ayaa sidoo kale shalay kulan ciyaareed ay si buuxda uga qayb-galeen bahda ciyaaraha Soomaaliya loogu qabtay Muqdisho, halkaas oo ay ciyaar wanaagsan kusoo bandhigeen xiddiga gabdhaha Soomaaliya oo garoonka iska xaadiriyay.
Ramla Cali oo 31 sano jir ah ayaa ah gabar Soomaaliyeed, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo abid si xrifadeysan feerka uga keento guul wayn.
Gabadhan ayaa hadda ku nool dalka Ingiriiska, waxana ay hore ugu guuleysatay tartamo badan oo ka dhacay gudaha dalka Ingiriiska iyo dalal kale.
Ramla ayaa sidoo kale qaxooti ahaan u tagtay London iyadoo da’yar jirto, waxayna waqtigaas bilowday barashada xirfadaan.


