Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul-Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadaha Muslimiinta caalamka, ayaa ku dhawaaqay cafis cusub oo soconaya muddo 90 maalmood ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore si gaar ah hambalyo ugu diray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka.
“Geesinimada iyo naf-hurnimada ciidankeennu waxay udub-dhexaad u yihiin nabadda iyo xasilloonida aan maanta ku naaloonayno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Intaas kadib, Madaxweynaha ayaa cafis soconaya 90 maalmood, oo maanta ka bilaabanaya u fidiyay dhallinyarada weli ku harsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
“Waxaan baaq nabadeed iyo cafis 90 maalmood ah u fidinayaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan ururrada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhallinyaradan inay ka soo noqdaan waddada qaldan ee ay ku habaabeen, una soo laabtaan bulshadooda Soomaaliyeed ee ay ka midka yihiin.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay inay soo dhaweyso dhallinyarada, una abuurto mustaqbal sharaf leh oo ay kaga qayb qaataan dhismaha dalkooda.”
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha amniga iyo garsoorka inay soo dhammaystiraan habraaca fulinta cafiska.
Hoos ka daawo muuqaalka

