Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si adag uga hadlay is-hortaaga safarkii uu maanta ku tegi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe oo soo saaray qoraal ay carro xooggan ka muuqato ayaa sheegay in si bareer ah Madaxweyne Lafta-gareen uga carqaladeeyay safarkiisa, taas oo keentay in safarkii guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqdo Muqdisho.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu si weyn uga xun yahay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sii cakiray xaaladda isla markaana carqaladeeyay dadaalladii lagu dejin lahaa xiisadda taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ahaa mid nabadeed, isla markaana ujeeddadiisu ahayd dejinta xaaladda, bilaabidda wada-hadal, iyo dhex-dhexaadin lagu xallinayo khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho qalalaase iyo gacan ka hadal.
“Tallaabooyinkii lagu hor istaagay socdaalkaas iyo xannibaadihii la sameeyay waxay lumiyeen fursad muhiim ah oo lagu yarayn lahaa xiisadda laguna gaari lahaa isfaham iyo wada shaqeyn,” ayaa lagu yiri qoraalka Guddoomiye Aadan Madoobe.
Sidoo kale wuxuu sheegay in socdaalkiisa uu hore ugu wargeliyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, ayna isla ogaayeen, balse uu gadaal iska beddelay.
“Guddoomiyuhu asagoo tixgelinaya nidaamka dowladnimo waxa uu la hadlay Madaxweyne Lafta-gareen kuna wargeliyay socdaalkiisa iyo ujeedadiisa waxaana isla qaateen in maanta oo Khamiis ah lagu beego safarka laakiin arrintaas ay ku hirgeli waysay is-hortaag uu si bareer ah Madaxweyne Laftagareen ugu carqaladeeyay safarka Guddoomiyaha, taas oo keentay in safarkii Guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqday Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madoobe.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu si weyn uga xun yahay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sii cakiray xaaladda isla markaana carqaladeeyay dadaalladii lagu dejin lahaa xiisadda taagan.
Guddoomiyuhu waxa uu caddeynayaa in socdaalkiisii nabadeed ee uu ku tegay deegaannada Koonfur-Galbeed uu ahaa mid ujeeddadiisu tahay dejinta xaaladda, bilaabidda wadahadal, iyo dhex-dhexaadin lagu xallinayo khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho qalalaase iyo gacan ka hadal.
Guddoomiyuhu asagoo tixgelinaya nidaamka dowladnimo waxa uu la hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Laftagareen kuna wargeliyay socdaalkiisa iyo ujeedadiisa waxaana isla qaateen in maanta oo Khamiis ah lagu beego safarka laakiin arrintaas ay ku hirgeli waysay is-hortaag uu si bareer ah Madaxweyne Laftagareen ugu carqaladeeyay safarka Guddoomiyaha, taas oo keentay in safarkii Guddoomiyuhu uu dib ugu soo noqday Muqdisho.
Tallaabooyinkii lagu hor istaagay socdaalkaas iyo xannibaadihii la sameeyay waxay lumiyeen fursad muhiim ah oo lagu yarayn lahaa xiisadda laguna gaari lahaa isfaham iyo wada shaqeyn. Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu caddeynayaa inaan la aqbali karin in cid gooni ah isku gaarto yeesho arrimaha masiiriga ah ee dadka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo in lagu xadgudbo go’aannadii uu qaatay ama ahaa Madaxweynaha Laftagareen sida hirgelinta dhamaystirka dastuurka iyo hannaan dimuqraadiyadeedka dalka.
Guddoomiyaha waxa uu madaxda maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqayaa in ay ka fiirsadaan xaaladda iyo tallaabooyinka aan u adeegeyn maslaxadda dowlad goboleedka iyo tan qaranka, loona dhaqmo si mas’uuliyadi ku jirto.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu markale adkeynayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo hay’adaha dastuuriga ah, lana ilaaliyo wada shaqeynta u dhaxeysa heerarka kala duwan ee dowladda, taas oo saldhig u ah xasilloonida iyo dowladnimada dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu markale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay in uu ka shaqeeyo midnimada dalka, dejinta xaaladaha cakiran, iyo dhiirrigelinta wadahadal iyo is-afgarad qaran.
— Dhammaad —

