28.1 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Wasiirro caawa iska casilay DF Soomaaliya + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa is-casilay, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirrada is-casilay ayaa kala ah laba wasiir ku-xigeen iyo hal wasiiru-dowle, kuwaas oo xilka u baneeyay sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan hoggaanka Villa Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

Wasiiraddan is-casilay ayaa la rumeysan yihiin inay bilow u yihiin qorshaha xubnaha Koonfur Galbeed uga dareerayaan Dowladda Federaalka, taas oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda labada dhinac.

Xubnahan is-casilay ayaa kala ah: Wasiiru-dowlihii Wasaarada Qorsheynta XFS, Axmed Maxamed Mashruuc, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS, Isaak Mohamud Mursal iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Maxamed Aadan Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Aadan oo kamid ah saddexda wasiir ee caawa is-casilay ayaa sheegay in markii uu si dhab ah u qiimeeyay qaabka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si muuqata uga leexday mas’uuliyaddii qaran ee loo igmaday.

“Waxaan qaatay go’aanka is-casilaadda, markaan arkay duullaanka qaawan, sharci darrada ah ee lagu soo qaaday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo si toos ah uga hor imaaneysa dastuurka dalka iyo mabda’a federaalka.”

Wuxuu intaas sii raaciyay: “Markaan sidoo kale arkay in xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo aan deegaan wadaag nahay, loo adeegsaday qorshe siyaasadeed oo lagu burburinayo laguna wiiqayo nidaamka dowladnimo ee Koonfur Galbeed ayaa qaatay go’aankan.”

Mas’uulkan ayaa sheegay in damiirkiisu u oggolaan waayay inuu qayb ka sii ahaado hannaan siyaasadeed oo dalka u horseedaya dhibaato iyo colaad hor leh. “Sidaas darteed, waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.”

- Advertisement -

Read more

Local News