Magaalada Hargeysa oo is-fadeexaysay + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa maalmihii dambe waxa ka curtay roobabkii Gu’ga, iyadoo maalintii Jimcihii uu ka da’ay Roob biyo badan dhigay.

Roobkan Hargeysa ka da’ay Jimcihii ayaa waxa uu banaanka usoo saaray hab dhaqano caan ka ah Magaalada Hargeysa dhexdeeda oo Dadweynaha magaaladu ay sameeyan marka uu da’o roob weyn oo keena biyo badan oo qul-qula wadooyinka.

Dadweynaha caasimada Hargeysa ayaa caado ka dhigtay marka uu roob weyn da’o inay biyaha roobka raaciyan qashinka guryahooda u yaala, kuwaasi oo u arka fursad ay iskaga fogeyn karaan qashinka tuban guryahooda.

Waxa dhacda mararka qaar inay biyahaasi roobku ee xawliga u socdaa ay qashinka si toosa u gaadhsiiyan badhtamaha Magaalada, weliba iyaga oo dhex dhiga wadooyinka waaweyn ee ugu isticmaalka badan.

Arrinkan ayaa fool-xumo ku ah Bilicda Hargeysa, kaasi oo muujinayana hab-dhaqanka Bulshada ku nool qaarkood, iyadoona dood ka dhex abuurtay Bulshada, gaar ahaan dadka isticmaala baraha bulshadu kuwada xiriirto.

Doodan ayaa ka dhalatay kadib markii Baraha bulshada lagu baahiyey sawirro muujinaya qashin badan oo Daadadku sidaan, kuwaasi oo tubnaa suuqa badhtanka Hargeysa.

Bulshada qaar kamid ah ayaa u arka in Dadku xaq u leeyihiin inay qashinka raaciyan Biyaha roobka, haddii ay Dowladda hoose ee Hargeysa ay shaqadeeda gabtay, halka kuwa kalena ku doodayaan in Dadku si ka wanaagsan sidan ay qashinkooda iskaga fogayn lahaayen.

Dadka arrinkan kaga hadlay Baraha Bulshada, qaarkood ayaa yiri “Xashiishka aad roobka la sugaysaan reer Hargeysay, ka daaya shacabyahow mucaaridka iyo muxaafidkaba iskugu jira”.

Halka, Dadka qaarkood ay iyaguna qabaan aragti midaa ka duwan oo ah in qashinka ay dadweynuhu raacinayaan biyaha roobka ay ahayd in xili horeba ay Dowlada Hoose ka qaado bulshada, iyaga oo Mas’uuliyada qashinka tuban caasimada dusha u saaray Dowladda Hoose ee Hargeysa.

Dhinaca kalena, Dadyowga qaarkood ayaa iyaguna ku dhaliilay Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu kasoo baxay Maayarka Hargeysa inay kaalinteedi ay gabtay.

Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa qandaraas ku siisay labo shirkadooda Nadaafada Magaalada, kuwaasi oo bil walba guri kasta $5 dollar kaga qaada qashinka, iyadoo hadana taasi jirto ilaa hadda malaha shirkadahaasi hab nidaamsan oo ay qashinka ku guraan.

Sikastaba, Golaha deegaanka Hargeysa ayaa waxay ka koobanyihiin 25-xubnood, kuwaasi oo la doortay sannadkii 2012-kii, iyagoo markii wakhtigu ka dhamaaday muddo kordhin loo sameeyay sannadkii 2017-kii, waqtigaas oo bishii hore ee March ku idlaa, illaa iyo haddana weli waxay ku fadhiyaan sharci darro.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com