Dhageyso: Goodax oo weli ku adkaysanaya mowqifkiisa Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya ayaa wali ku adkeysanaya Go’aankii uu ugu hanjabay Ardayda iyo Waalidiinta kunool maamulka Puntland oo ku aadanaa in aysan heli doonin Shihaadada dowladda.

Maanta ayuu kulan la qaatay Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga doortay degaanada maamulka Puntland, waxaana uu ku adkeystay in ay ka go’an tahay in uu dhaqan galo go’aankii kasoo baxay Wasaaradda.

Waxaa uu sheegay in ay tahay sharci u degsan Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya in la qaado Imtixaan Mideysan, islamarkaana uusan waxba ka badalikarin.

Goodax ayaa shaaca ka qaaday in arrinta ay isku hayaan Puntland ay tahay arrin mabda’ iyo sharci ah, oo aysan ahayn arrin farsamo, taasi oo ka dhigeysa inuusan ka tanaasuli karin.

Waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu Puntland kala hadlo wax kasta oo sharciga aan ka hor-imaneyn.

Hoos ka dhageyso Goodax

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com