Al-Bashiir oo dambi culus lagu helay kadib baaritaan lagu sameeyey gurigiisa

Khartoum (Caasimadda Online) – Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee REUTERS  Guriga Madaxweynihii hore ee Dalka Suudaan Ee Xabsiga ku jiro Cumar Al-Bashiir ayaa laga helay lacago Malaayiin Dollar ah taasoo weliba aheyd lacago kala duwan.

Sida ay sheegeyn illo wareedyo ka tirsan Sirodonka  Milliteriga Dalka Suudaan hoyga Cumar Xasan Al-bashiir ayaa laga helay shandado ay ku jiraan in ka badan 351,000 oo Dollar, 6 million oo Lacagta Euro iyo 5 million ee Giniga dalka Suudaan taasoo noqotay arrin aad looga hadal hayo dhammaan Dalka Suudaan.

Dacwad Oogaha Dowladda Suudaan ayaa si deg deg ah u amray in lasoo xiro Madaxweynihii hore ee AL-Bashiir.

Dacwad oogaha ayaa amray in Al-Bashiir maxkamad loogu soo taago eedeymaha lagu hayo oo ay ugu weyn tahay midda Xasuuqa Shacab badan iyo lacagaha sharci darrada ah ee gurigiisa laga soo bixiyey.

Xabsiga uu ku xiran yahay Al-Bashiir ee lagu magacaabo Kobar ayaa la filayaa inuu Dacwad-oogaha Su’aalo ku waydiiyo Al-Bashiir oo hadda ah Maxbuus.

Dacwad-Oogaha ayaa sidoo kale sheegay inuu baaritaan ku hayo lacago la sheegay inuu AL-Bashiir u xawishay wadamo kale.

Al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday.

Sidoo kale al-Bashiir waxaa laga doondoonayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loo soo gaabiyo ICC, taas oo u haysata eedo ah inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq gaystay.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum 
Caasimada@live.com