Xog laga helay kulanka Nairobi uga socda madax goboleedyada iyo Waare oo ku biiraya dhowaan

Nairobi (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa xog dheeri ah ka heshay kulanka xasaasiga ah ee Maanta Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya uga furmay madaxda Maamul GOboleedyada gaar ahaan Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Kulankaan Maanta furmay ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Midka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxwyenaha Puntland Deni oo Xalay soo gaaray Magaalada Nairobi.

Kulamaddaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana ay sidoo kale ka hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda iyo soo celinta Shirarkii Madaxda maamul goboleedyadda.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi, waxaana xalay ku biiray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Madaxda Saddexda maamul ayaa dhawaan diiday Shirkii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay aad uga soo horjeeddaan sidda ay dowladda Soomaaliya ay wax ku waddo.

Warar qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Hirshabeelle laga yaabo in  uu ku biiro Shirka ka socda Nairobi.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay waxaa jiraan dadaallo ay waddaan Madaxda Beesha Caalamka ee ku sugan Nairobi oo ku aadan xalinta Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Madaxweynaha Puntland oo  maalmihii dambe ku sugnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta  ayaa la sheegay in halkaas uu kulamo kulayeeshay  Madaxda  Imaaraadka iyo Mas’uuliyiin Shirkadda DP World.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland in wadajir magaalada Nairobi kula kulmi doonaaan wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo kala hadlaya barnaamijka la macaamilka gaarka oo Beesha Caalamka dib u soo cusbooneysiisay in maamul goboleedyada si gaar ah uga taageerto barnaamijka Horumarinta iyo arrimaha bani’aadaminada.

Waxaa weli taagan Khilaafkii xoogaana ee u dhaxeeyey Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo kasoo bilowday go’aanka ay Dowladda Dhexe ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay Dowladaha Khaliijka.

Tan iyo markaas waxaa hakad la geliyay barnaamijyadii mashaariicda horumarineed ee Beesha Caalamka soo marsiin jireen dowladda Federaalka, waxaana muddo la hadal hayay in Beesha Caalamka ay qorsheyneyso sidii ay dib ugu soo celin laheyd barnaamijka macaamilka gaarka ah ee Maamulada iyo dowladda Federaalka ay si isku mid ah uga taageereyso mashaariicda horumarineed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com