Magacaabista safiirada iyo ololaha doorashada – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayay inay shalay ansixiyaan Safiirradii ugu badnaa ee abid hal mar lawada magacaabo, kuwaasi oo tiradoodu gaareysay 15 Safiir.

Ansixintan ayaa sidoo kale dib loo dhigay todobaadkii hore kadib muran ka yimid awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee afar beelood iyo bar (4.5).

Safiirradan ayaa la filayaa in loo magacaabi doono dalalka Sudan, Hindiya, Kenya, South Sudan, Biljamka, Sacuudiga iyo Imaaraatka, waxa ayna barabixin doonaan safiirro kale oo hadda magacaaban.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay ugu magacaabay Salaad Cali Jeelle Safiirka dalka Jabuuti, halka Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale waxaa jira Safiirro ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirrada oo ay soo diideen dalalkii loo magacaabay halka kuwa kalena aan weli lagu qorinin safaarrado.

Danjirayaashan ayaa u badan Siyaasiyiin aan hore uga tirsanayn Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ku yimid magacaabid siyaasadeed kuwaas oo si weyn ugu dhowaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Falan-qeeyeyaasha siyaasadda ayaa u arka in magacaabistan ay la xiriirto ololaha dib-u-soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo sidoo kale ku tilmaamay in ay ka hor imaanayso qodobka 11-aad ee Sharciga Shaqaalaha Arrimaha Dibedda ee uu Ansixiyey Baarlamaanka 2013.

Sharcigaas ayaa dhigaya in tirada danjirayaasha ku imaanaya Magacaabista Siyaasadeed in aysan ka badan karin 10% Danjirayaasha magacaaban, midaasi oo ay gees martay dowladda. 

Magacaabista diblomaasiyiintan ayaa grbi ahaanba ku jirin miisaaniyad sanadeedka loo ansixiyey xukuumadan taas oo ku keenaysa dib u dhac howl-gelinta safiiradan cusub.