Maxkamadda ciidamada oo soo saartay amar culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee darajada Koowaad, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo saaray amar culus oo la xiriira maleeshiyada dilalka qorsheysan ka fulisa gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiye Shuute ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya faray inay qaadaan howl-galo ka dhan ah maleeshiyadaas, oo marar badan dilal ka geystay gobolkaas, kuwaasi oo baxsad ka ah gacanta dowladda.

Sidoo kale waxa uu amar ku bixiyey in cadaalada la horkeeno maleeshiyadii ka dambeeysay dilkii dhawaan kooxahaas ugu geysteen dad shacab ah deegaan hoos yimaada degmada Balanbale, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay shan qof.

Shuute ayaa waxa kale oo uu ciidamada ku buuriyay inay gacan weyn ka geystaan sidii sharciga loola tiigsan lahaa maleeshiyo hubeysan oo iyaguna dhawaan dilay lix sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xooga dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in dowlad Soomaaliya ay ku howlan tahay hirgelinta ciidan cusub oo uu sheegay inay maxkamaddaha dalka kala shaqeyn doonaan soo qabashada dambiilayaasha.

Ciidamada oo uu sheegay Shuute ayaa waxay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa shaqsiyaadka baxsadka ah, kuwaasi oo muddo badan ku qaadata laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan.