Mahad Salaad oo sheegay hal sabab oo aan lagu kala diri karin gudiga maaliyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka soo hor-jeestay kala dirista  Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka isaga oo sheegay inay u taalo golaha, oo guddoonka uu leeyahay uun soo-jeedin.

Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu sheegay in Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka lagu ansixyey cod uu qaaday golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaana aan la kala diri karin.

Qoraal kale, oo ka soo baxay Xildhibaab Mahad, lagu faah-faahiyey arrinkan, wuxuu u qornaa:

Xubnaha Gudiyada Golaha Shacabka waxaa soo jeediya Gudoomiyaha Golaha Shacabka asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa kadibna waxaa ogolaada Golaha Shacabka sida ku cad Qodobka 56aad, Faqradiisa 2aad ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Gudoonka gudiyada waxa uu leeyahay Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo ah hogaanka guddiga. Xubin kasta oo ka mid ah guddoonka guddiga waa in laga dhex doortaa xubnaha gudiga dhexdooda laguna doortaa cod aqlabiyad ah oo ka yimid xubnaha guddiga sida ku cad qodobka 58aad, farqadiisa 1aad, 2aad ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Gudoonka gudiyada waxa uu xilka ku weyn karaa: istiqaalo qoraal ah, haddii uu dhinto, haddii ay ku timaado xil gudasho la’aan joogto ah ama uu si joogto ah uga maqnaado kulammada gudiga. Guddiguna waxaa uu arrinkaas ku wargalinayaa guddoomiyaha Golaha si ay u u doortaan gudoomiye cusub, sida ku cad qodobka 58aad, farqadiisa 4aad, 5aad iyo 6aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Sidaas daraadeed, tilaabada ay qaadeen Gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka ee ay yiraahdeen waan ku kala dirnay gudiga maaliyada sharci ma’ahan, waana xadgudub iyo ku tumasho dastuurka, xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo ku takrifal awoodeed oo baal marsan shuruucda dalka u yaalla. Mana yeeli doono inla cuuryaamiyo ama baabi’iyo gudiyda haya shaqada la xisaabtan iyo kor-joogtayn ee hay’adaha dowlada, waanan kula xisaabtameynaa inshaa’allaah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com