Saddex qodob oo SAX ka dhigaya kala dirista gudigi maaliyada BF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Muudey ayaa maanta kala diray Guddiigii Maaliyadda ee Baarlamaanka.

Inkastoo aan si fiican loo faahfaahin sababtii keentay in guddigaas la kala diro, haddana anigoo ah qoraaga warbixintaan waxaa ka fahmay inay sabab u aheyd Seddex arrin oo qatar ku ahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1) Xisbiga UPD

Inta badan Guddiga Maaliyadda ee la kala diray waxay ahaayeen xubno ka tirsan Xisbiga uu dhawaan dhisay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ee lagu magacaabo UDP, waxayna taas qatar weyn ku tahay horusocodka Dowladda iyo shaqooyinka la rabo in loo qabto Shacabka Soomaaliyeed.

Xisbiga UPD ayaa kasoo shaqeeyey warbixintii Guddiga Maaliyadda ee dhawaan soo saareen, waxayna ujeedka aheyd sidii loo ceebeyn lahaa Dowladda Soomaaliya isla markaasna la isaga hor keeni lahaa Shacabka iyo Dowladda.

Sidaa darteed guddoonka Baarlamaanka ayaa Guddiga Maaliyadda u arkay inay si cad uga hor imaadeen Danta Shacabka isla markaasna ay si cad ula safteen Xisbi mucaarad ku ah Waxqabadka Dowladda.

2) Guddiga oo hareer maray Sharciyo badan

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa luuq gashtay koox yar oo danaheeda ku  fushaneysay, wuxuuna guddiga si cad u hareer maray Sharciyo iyo heer hoosaadka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya midaasna waxay qasab ka dhigtay inuu guddoonka qaato go’aan lagu badbaadinayo dalka iyo Dowladnimada.

3) Warbixintii Dhawaan soo baxday

Guddiga Maaliyadda ee la kala diray ayaa maalmo ka hor soo saaray warbixin ay ku sheegayeen inay Dowladda lunsatay lacago aad u badan taasoo markii dambe caddeyn loo waayey isla markaasna uu Guddoonka Baarlamaanka ka bixiyey raaligelin buuxda.

Warbixintaas ayaa waxaa looga dooday kulankii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay inay aheyd warbixin ay luuq kusoo diyaarsadeyn koox yar oo dooneysay inay muuqaal qaldan ka bixiso horusocodka ay Dowladda Federaalka ka gaartay dhanka Maaliyadda iyo Canshuuraha.

Warbixintaan ayaa la aamisan yahay inay sabab u aheyd kala diristay Guddigaan, maadaama ay hareer mareyn arrimihii loo aasaasay markii hore.

W/Q: Mohamed Osman
Falanqeeye Siyaasadeed
Nairobi-Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid