25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Mahdi Guuleed: Doorashada 2021 waxay la mid noqon doontaa kuwii HirShabelle, Galmudug iyo K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in doorashada soo socota ee la filayo iney qabsoonto horaanta sanadka 2021 ay kooxdiisa kusoo bixi doonaan wareega koowaad, iyadoo uusan jirin wax mad-madow ah mar uu arday ugu khudbeynayay tiyaatarka qaranka.

Mahdi Guuleed wuxuu tusaale usoo qaatay doorashooyinkii ka qabsoomay maamul goboleedyada la sheego iney taabacsan yahiin dowladda dhexe ee Galmudug, Galmudug iyo Hir-Shabeell ee dowladda maquunsatay, wuxuuna aaminsan yahay in wixii halkaas ka dhacay ay ka dhici doonaan doorashooyinka guud ee dalka.

Khudbad uu arday laga soo aruuriyay iskuulaadka Muqdisho ugu jeediyay tiyaatarka qaranka waxaa ka mid ahaa in wixii ka dhacay saddexdaas maamul goboleed ay filayaan iney dhacaan mar kale, si horay loogu sii wado geedi u socodka dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa tusaale idinkugu filan, dowlad goboleedka K/Galbeed xildhibaanadii waa shireen, tartan baa dhacay, la isma laheyn sida ay wax u dhaceen ayey wax u dhacayaan, isbadal baa dhacay, madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen wareegii koowaad ayuu aqlabiyad kusoo baxay, mar labaad waxaan ogeyn Galmudug, Qoor-qoor wareegii koowaad ayuu aqlabiyad kusoo baxay, mar saddexaad waxaan ogeyn Hirshabeelle, Cali Guudlaawe wareegii koowaad ayuu kusoo baxay, markaan waa xiligii wareega koowaad 2020 yaan loo deymo la’aan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo arday laga soo aruuriyay iskuulaadka Muqdisho ugu khudbeynayay Tiyaatarka Qaranka.

“Hiyigeenu waa inaan wareega koowaad oo aan mad-madow laheyn aan horay ugu sii wadnaa horay-u-socodka dalkaan uu u baahan yahay” ayuu sii raacsaday.

Si kastaba hadalka Mahdi Guuleed ayaa kusoo aadaya xilli musharaxiinta mucaaradka ayba qaadaceen guddiyada doorashada oo ay dowladda magacowday, waxaana la filayaa iney isugu yimaadaan Muqdisho isla markaana ay ka arrinsadaan sidii ay yeeli lahaayeen.

- Advertisement -

Read more

Local News