Man City vs Real Madrid caawa maxaad ka fileysaa kulankaan?

Kooxda heysata Premier League ayaa Etihad Stadium ku qaabileysa caawa kooxda heysata La Liag, iyadoo Manchester City ay u baahan tahay guul si ay uga dhabeeyaan inay usoo baxaan wareega 16ka Champions League.

                                Ciyaartoyda Macquulka ah inay labada koox garoonka kusoo bilaabaan

                                                                                Maxaa ka cusub labada koox:

Gael Clichy ayaa canqawga ka dhaawacmay intii ay socotay ciyaartii ay Manchester City 5-0  ku dubatay Aston Villa waxaana booska daafaca bidix ka bedeli kara Aleksandar Kolarov.

Joleon Lescott oo dhaawac ka qaba dhabarka iyo James Milner oo iska la daalaa dhacaya dhaawac feysha ah ayaa weli ka maqan City, kuwaas oo aan weli waqti loo qaban marka ay kasoo laabanayaan garoomada.

Micah Richards ayaa dhaawac jilibka ah ku maqnaan doona ilaa December, halka Samir Nasri laga yaabo inuusan kulankaan u ciyaarin xumad darteed, Jack Rodwell ayaana weli kasoo kabsan dhaawac feysha ah, waxaana loo qiimeynayaa inuu seego kulankaan muhimka ah.

Matija Nastasic oo jilibka ka dhaawacan ayaa dhameystay kulankii isbuucaan dhamaadkiisa wuxuuna kusoo laaban karaa booskiisa daafaca dhexe.

Real Madrid waxaa kulankaan dhaawac uga seegaya Gonzalo Higuain oo bowdada ka dhaawacan iyo Marcelo oo isba lugta ka jaban.

Ma jiraan wax ka badan labadaan dhaawac oo uu tirsanaayo Jose Mourinho ka hor kulankaan, wuxuuna heystaa koox buuxda.

                                                                                                   Ma Ogtahay?

  • Laba koox oo keliya ayaa kasoo baxday booskaan ay hada ku jiro Manchester City iyadoo soo aaday wareega 16ka: Lokomotiv Moskow ayaa hal dhibic shaqeysatay afar kulan 2002-03 iyadoo Porto ay laba dhibcood heysatay 2004-05.
  • Kulankii ugu horeeyey ee caalami ah wuxuu labadaan koox dhex maray bishii September, Real Madrid ayaana markaas 3-2 ku garaacday City.
  • Sky Blue ayaa heysata 19 kulan oo Koobabka Yurub ah oo aan looga badin gurigeeda marka lagu darro isreebreebka, 14 kulan ayeyna guul gaartay iyadoo barbaro gashay shan jeer tan iyo markii ay 1-0 guul darro ah kasoo gaartay FC Midtjylland 2008dii, kulan ka tirsan Uefa Cup.
  • Kooxda heysta horyaalka Ingiriiska ayaa gashay 22 Offside [Diilin ka bax] oo koobabka Yurub ah xilli ciyaareedkaan, waana in ka badan koox walba.
  • Cristiano Ronaldo (sawirka midig) ayaa kasoo muuqday 11 kulan oo ah kulanka loo yaqaan Manchester Derby intii uu u ciyaarayey Red Devils isagoo markaas ka hor yimid City, wuxuuna guuleystay Todobo kulan halka sedax jeer guul darro soo gaartay. Wuxuu dhaliyey afar gool balse laba jeer ayaa ciyaarta laga saaray iyadoo lagu ciyaarayo City of Manchester Stadium.
  • Ronaldo ayaa 14 gool dhaliyey 11 kulan ee uga dambeyey Champions League
  • Los Blancos ayaa markeedii shanaad booqaneysa gobolka Manchester. Iyagoo 1-0 uga badiyey Tottenham booqashadoodii ugu dambeysay ee Ingiriiska, afar kulan ayey guul gaareen, labana barbaro, shan kulan ayaana la garaacay intii ay soo booqanayeen England.
  • Goolkii ugu horeeyey ee Borussia Dortmund ka dhalisay Madrid kulankii ku idlaaday barbaraha 1-1 ah ayaa ahaa goolkii 200aad ee laga dhaliyey Real intii lagu jiray Champions League.

Hadaba inoo sheeg saadaashaada kulankaan, Ma Manchester City ayaa boorka iska jafi doonta, mise Real Madrid ayaa ka cirib tiri doonta Champions League markoodii labaad oo isku xigta oo ay ku haraan wareega Group-yada, mise waa la isku garba dhici doonaa.?

Hadii aad haleesho saadaasha saxda ah ee kulankaan waxaan kaa balan qaadeynaa inaan kugu soo qorno natiida ciyaarta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.