Di Matteo oo la raacdeeyey ka dib guul darradii Juventus.

Tababarihii Chelsea Roberto Di Matteo ayaa xilka tababarenimo ee Chelsea laga xayuubiyey ka dib markii uu six un u ciyaaray kulamadii dhowaanahaan, sida uu qoray wargeyska Sky Sports.

Tababaraha Talyaaniga ah ayaa guuleystay 24 kulan 42 kulan oo uu kooxda leyliyey laakiin ka dib guul darradii 3-0 aheyd ee xalay kasoo gaartay Juventus kooxduna ay qarka u saaran tahay inay usoo bixi weyso wareega 16ka ee Champions League, RDM ayuu soo idlaaday waqtigiisii Stamford Bridge.

“Natiijooyinkii xumaa ee dhowaan kooxdu soo hoysay milkiilaha iyo Gudoomiyuhu waxay isla garteen inaysan sinaba u heysan Karin Tababaraha iyadoo ku dhaqaaqay go’aankii saxda ahaa iyadoo ay na sugeyso qeyb ka mid ah xilli ciyaareed muhim ah,” ayey u qorneyd warbixin lagu daabacay Website-ka rasmiga ah ee Chelsea.

“Milkiilaha iyo Gudoomiyuhu waxay jelaan lahaayeen inay u mahad naqaan Roberto wixii uu kooxda  u qabtay tan iyo bishii March.

“Roberto wuxuu naga caawiyey guushii taariikhiga aheyd ee Champions League iyo FA Cup todbaad. Mana aan ilaawi doono wax uu kooxda u qabtay mar walbana waan kusoo dhaweyn doonaa Stamford Bridge.

“Kooxdu waxay raadin doontaa bedelka tababaraha koowaad sida ugu dhaqsaha badan.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.