Mareykanka oo shaaca ka qaaday in hal beel kaliya lagu hagraday dagaalka Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya Larry Andre oo ka hadlayey howlgallada ka socdo dalka ayaa soo dhoweeyey kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka billowday koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Larry Andre ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay taageereyo shacabka Soomaaliyeed ee howlgalka qaybta ka ah & ciidanka Xoogga dalka, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu soo hadal qaaday dagaalka haatan ka socda gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in in culeyska lagu fiirsaday hal beel oo kaliya, isaga oo intaasi ku daray in beelaha kale ee degan gobolkaas ay indhaha ka fiirsanayaan dagaalka socda, sida uu hadalka u dhigay.

Safiirka Mareykanka ayaa guud ahaan qabaa’illada Soomaaliyeed ku booriyey in ay iska kaashadaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dagaalka Al-Shabaab.

“Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midnimo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan?Ma waxay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mise waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabiilo la soo ururiyay, waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanayaan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaanteen, ”ayuu yiri.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna ciidamada huwanta ka taageeraa dhanka cirka, isaga oo duqeeyo kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo waa weyn laga gaaray howlgallada ka socda dalka, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.