Maxaa ka jira in uu Aadan Madoobe u tegay YURUB arrimaha dadka isku jinsiga?

Veinna (Caasimada Online) –  Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciirow) oo ka mid ah wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan booqasho ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ka warbixiyey safarka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaan Ciirow ayaa marka hore beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka kaas oo ku saabsanaa in safarkan uu la xiriiro arrimo ku saabsan u doodida dadka isku jinsiga ah ee is guursanaya, taas oo sare u kacday, markii uu guuddoomiyuhu la kulmay dhiggiisa dalka Netherlands haweeneyda lagu magacaabo Marwo Vera Bergkam, taas oo ku caan baxday u ololeynta dadka isku jinsiga ah.

Xildhibaanka ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo sheegay in hadalkaas lagu suurad xumeynayo booqashada guddoomiye Aadan Madoobe.

“Social Media waxaan beryahaan ka arkeynay warar soo xumeynaya wafdiga guddoomiyaha dad suurad xumeynayo oo si xun u fasirayo ayaan arkeynay. Sheekh Aadan Madoobe waa nin culumo ah marka kama suurtowdo waxyeelaha la sheegayo, Ummadda Soomaaliyeedna uma qalanto, isagana lagama yaabo inuu waxaas ku kaco,” ayuu yiri.

Sidoo kale intaasi kusii daray in arrintan ay meel ku dhac ku tahay guddoomiyaha iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in aan loo baahneyn waxaas oo kale.

“Waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed ma marin habaabin kartaan kuwiina caloosha ka jiran waxaa weeye waa wax aan loo baahneyn oo meel ka dhac ku ah magaca Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in natiijo wax ku ool ah laga gaaray booqashada guddoomiyaha uu ku tegay dalalka Belgium, Netherlands, Austria & Luxemburg.

“Waxaa hadda joognaa Magaalada Vienna ee Austria oo aan uga qaybgalnay kulan heshiis iskaashi ay ku wada galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas & Guddoomiyaheenna, Guddoomiyaha waxa uu baryahaan safar ku marayay Belgium, Netherlands, Austria & Luxemburg oo ay casuumeen Guddoomiyaasha Baarlamaannada Dalalkaas oo ay wada galeen heshiisyo iskaashi oo Baarlamaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Ciirow.