Mareykanka oo u muuqda in uu ku gacan seeray dalabkii Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata inay ku gacan seertay dalabkii ay musharaxiinta mucaaradka gaarsiiyeen Golaha Ammaanka QM, kaas oo ahaa in la dhiso gole hogaamin oo xilka kala wareega sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ay laba maalin ka hore u direen Golaha Ammaanka, ayey Midowga musharaxiinta ku dalbadeen in la dhiso gole loo dhan yahay oo xilka sii haya isla markaana dalka ka gudbiya marxaladaan kala guurka ah.

Hase yeeshee, dowladda Mareykanka ayaa taas u aragta inay dib u dhac u keeni karto Soomaaliya, islamarkaana ay haboon tahay in dowladda wakhtigeeda dhamaaday iyo maamul goboleedyada ay ka shaqeeyaan hanaanka doorashada.

Sii hayaha ergayga Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay Richard Mills ayaa khudbadii uu ka jeediyay kulankii Golaha Ammaanka QM waxa ku sheegay in waddo walba oo ka leexsan hanaankii dhawaan lagu heshiiyay ay gadaal u celin karto Soomaalida, wuxuuna diiday xukun KMG ah.

“Aan idiin caddeeyo, doorasho dhinac ah, doorashooyin isbarbar socda, ama qaab kale oo hanaan doorasho ah oo uu ku jiro xukun KMG ah oo waqti qaata waxaa kaliya oo uu sii kordhin karaa xasillooni darada, wuxuuna dib u dhac ku noqonayaa Soomaaliya,” ayuu yiri Richard Mils.

Dowladda Mareykanka waxey taageersan tahay si la mid ah beesha caalamka in wax lagu wado sidii lagu heshiiyay 17-kii September, markaas oo ay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ku heshiiyeen Muqdisho.

Go’aanka Mareykanka wuxuu dhabar jab ku noqonayaa midowga musharaxiinta kuwaas oo dalbaday in la dhiso gole hogaamin, maadaama ay diidan yahiin in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay madaxweynaha Soomaaliya.