Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo geeriyooday iyo R/W ROOBLE oo ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay cudurka Coronavirus.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida Ugaas Xasan, oo la sheegay in maalmihii u dambeeyey uu la il daraa xanuunka COVID-19.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn, uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka HirShabeelle.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo caawa uu ku geeriyooday.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas Xasan ayaa qoraa uu soo saaray ku yiri, “Waxaan Qoyskiisa,Asxaabtiisii & Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurkaan oo ku soo laba kacleeyey dalka, Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid aheyd kuwooda ugu da’da weyn hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi ayaa ka mid aheyd dadkii u geeriyooday cudurka.