Mareykanka oo war cusub kasoo saaray xaaladda ka taagan LAASCAANOOD

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka oo miiska wada-hadalka la iskugu yimaado.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in uu la xiriiray dhinacyada isku haya Laascaanood, islamarkaana uu xoojinayo baaqa ku aadan in colaadda la joojiyo.

“Waa in lasoo afjara colaadda cidna dani uguma jirto, arrintan waa in wada-hadal lagu xaliyaa, waxaan wada-hadalo toos ah la yeeshay hogaamiyayaasha dhinacyada oo dhan, xubnaha beesha caalamka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna diray fariintan oo kale oo in rabshada la joojiyo,” ayuu yiri Larry Andre.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo mar wax laga weydiiyay sida uu u arko eedeymaha sheegaya in ciidamada Somaliland ay tacadiyo ka geysteen Laascaanood ayaa waxa uu sheegay in aysan wali haynin warar lagu kalsoonaan karo oo la xiriira arrintaas.

“Waxan markale leeyahay helida warbixino lagu kalsoonaan karo way adag tahay, si xoogle ayaanu diirada u saarnay maalmahan wakhtigayga ugu badan ayaan ku bixiyay aniga oo adeegsanaya dadka saamaynta ku leh,” ayuu yiri.

Safiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cidda weerarka ku horaysay iyo cida shacabka beegsanaysayba la eegi doono waqti ku haboon, laakiin hadda arrinta muhiim ah ee xoogga saarayaan ay tahay in colaada la joojiyo, ayna dhinacyo ku dhameeyaan arrimaha taagan miiska wada-hadalka.

Dowladda Mareykanka ayaa hore ugu baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo dhaliyey khasaare xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.”

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.”

Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraal laba maalin kahor xiligaasi kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya oo lagu sheegay “inay aad uga walaacsan yihiin rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.”

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa billowday saacado un kadib markii odayaasha gobolka oo toddobaadyo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowladda federaalka Soomaaliya.