DF oo shaacisay magacyada amiiro iyo boqolaal Shabaab ah oo lagu dilay howlgallo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay howlgallo lagu dilay in ka badan 300 oo Shabaab ah, kuwaas oo saacado badan qaatay, isla markaana ka kala dhacay deegaanada Galmudug, HirShabeelle iyo Jubbaland.

Bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay magacyada saraakiil Al-Shabaab looga dilay meelo kala duwan, iyadoo bayaankaan lagu cadeeyey deegaan kasta tiradii lagu dilay.

Warkaan ayaa ugu horeyn lagu yiri, “In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Afcad ee Gobalka Hiiraan.”

Howlgalkaan oo socday in ka badan 12 saacadood, ayaa ku soo dhammaaday guul, sida lagu sheegay qoraalka dowladda. “Jabka xooggan  ayaa ku gaaray Khawaarijta howlgalladii Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland uu ka dhigayaa 72-kii saac ee u dambeeyay in lagu laayay in ka badan 300 oo khawaarij ah,” ayaa lagu yiri warkaan.

Afar Amiir oo hoggaaminayey dagaalyahanada la laayey ee Al-Shabaab ayaa qoraalkaan lagu soo bandhigay magacyadooda, kuwaas oo seddax ka mid ah hal deegaan lagu dilay, waxayna kala yihiin:

  1. Yuusuf Cali Sheekh Horjoogihii Deegaanka Fiidow, Waxaa lagu dilay Iji.
  2. Salaad Maxamuud Siyaad oo Magaciisa Afgarashada uu ahaa Amiin Owbaanle Horjoogihii waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Waxaa lagu dilay Iji.
  3. Cabdixakiin Nuur Guuleed Dabaashe Horjooge koox ay ugu yeeraan Jamhadda, Waxaa lagu dilay Iji.
  4. Maxamed Indhofiiq Horjoogihii watay maleeshiyadii lagu laayay Afcad, Waxaa lagu dilay Afcad.

“Waxaa kale oo howlgallada lagu qabtay maleeshiyaad isugu jira kuwa dhaawacyo ah iyo kuwa bad qaba oo uu ku jiro Horjoogihii Caafimaadka iyo Qaraxyada ee gobalka Mudug Salmaan Daahir oo lagu qabtay gobalka Mudug, sidoo kale waxaa isku soo dhiibay ciidanka Qaranka maleeshiyaad ka soo baxay khawaarijta goobo kala duwan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale dowladda Soomalaiya waxay sheegtay in la asturay maydadka Shabaab-kii la laayey, iyadoo laga soo aruuriyay meelaha kala duwan oo ay ka dhaceen howlgallada.

“Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dhulkii ay ku dhuumanayeen khawaarijta, Hub badan iyo saanado kale oo ay isticmaalayeen khawaarijtu,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa bayaanka dowladda lagu yiri “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an dhammeystirka howlgalka xididdada loogu siibayo Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khwaarigta.”