Mareykanka oo war cusub kasoo saaray tirada ay ku dileen Duqeyntii ugu danbeysay ee ka dhacday G/Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online )-War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM, ayaa waxaa lagu bayaaniyay weerar cirka ah oo diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska ayaa war saxaafadeedka ku sheegay in duqeyntaasi ay dhacday 2-dii January 2018, waxaana lagu sheegay in qasdiga weerarka uu hirgalay.

Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaan 50-KM u jira magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana sidoo kale lagu dilay 2 maleeshiyo oo aad loo doon doonaayay.

Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in maleeshiyaadka la dilay ay saarnaayeen Gaari walxaha Qarxa ay saaran yihiin oo ku soo jeeday Muqdisho, kaasi oo isaguna la burburiyay.

Waxaa kaloo lagu sheegay in diyaaradaha ay ka hortageen khatar ku soo wajahneyd shacabka Muqdisho, waxaana la burburiyay qalabka.

Dhinaca kale, Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018, taasi oo uu fuliyo Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com