Xog culus: Yaa ka dambeeyey in Cabdi Maxamed Sabriye loo magacaabo wasiirka Arrimaha Gudaha?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibada, arimaha gudaha iyo ganacsiga iyo warshadaha looga qaaday xilalkoodii wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Yuusuf Garaad Cumar, Qadra Axmed Ducaale iyo Cabdi Faarax Juxa ayaa waayay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha halka wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan cidda ka dambeysay in Cabdi Maxamed Sabriye loo magacaabo wasiirka Arrimaha Gudaha booskaas oo laga qaaday Yuusuf Garaad Cumar.

Xildhibhaan Saciid Nuur Gariish oo kamid ah XIldhibaanada sida weyn u taageersan dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah maxkaxdii ka dambeysay in xilkaan loo magacaabo Cabdi Maxamed Sabriye.

Dadaal badan oo uu sameeyey Gariish ayuu ku guuleystay in xilkaan loo magacaabo ninkaan oo ay isku beel yihiin sidoo kalana ay qaraabo dhow yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com