Mareykanka oo weerar ‘is-difaac ah ku dilay’ 15 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ayaga oo taageeraya dowladda federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen meel u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay AFRICOM, weerarka oo dhacay 3-dii November ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay soo weerareen Ciidanka Xoogga Dalka.

“Qiimeyn horudhac ah oo taliska uu sameeyey waxay sheegeysaa in duqeynta, oo ay codsadeen ciidamada xoogga dalka, lagu dilay 15 ka mid ah argagixisada Al-Shabaab, mana jiro wax khasaare dhaawac ama dhimasho ah oo soo gaaray shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qaadayaa tallaabooyin culus si looga hortago waxyeellada rayidka. Ilaalinta rayidka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si sare loogu qaado Afrika ammaan ah oo xasilloon,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka xalay kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biireen dagaal saacado badan socday oo kooxda iyo ciidamada dowladda federaalka ku dhex-maray deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

“Duqayn ay geysteen diyaaradaha Maraykanka waxaa ku shahiiday sideed kamid ah ciidamada Mujaahidiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab. 

Ma cadda haddii weerarka ay Al-Shabaab qireen iyo midka uu sheegay taliska AFRICOM uu yahay mid kaliya, iyo haddii uu Khamiistii dhacay weerar labaad.