Faahfaahin: Qaraxyadii caawa laga maqlay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhowr jug oo caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho, waxaana la sheegay in dhawaqa la maqlay uu ahaa qalqal gelin bulsho.

Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen dheemish oo wax khasaare ah aysan geysan, balse laga rabay oo kaliya lagu qalqal geliyo bulshada, markii laga reebvo qaraxii koowaad oo dad badan ay ku dhinteen.

Degmooyinka Waaberi, Hodan, Wartanabadda, Boondheere iyo Kaaraan ayaa la sheegay in laga maqlay jugta, waxayna saraakiisha aan la hadalnay noo sheegeen in waxa dhacay ay dheemis ahaayeen.

Hey’adaha amniga ayaa qaba in waxa dhacay ee jugtooda la maqlay ay koox u abaabulan qalqal gelinta bulshada ay dhigeen goobaha qashin qubka ee degmooyin dhowr ah, isla markaana uusan ka dhalan wax khasaare ah.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa hadda ku soo laabatay si caadi ah, kadib markii ay dadku kala carareen fiidkii hore ee caawa, markaas oo dhowr degmo laga maqlay jugta waxyaabahaas la qarxiyey.

Hase yeeshee qaraxii koowaad oo maqribkii ka dhacay afaafka hore ee Xero Nacnac, oo hadda loo bixiyey Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaas oo lagu qoro dhalinyarada ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Qof naftiisa haligay ayaa isku qarxiyey dhalinyarada oo safaf dhaadheer ugu jirtay inay qortaan ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus, inkasta oo tirada rasmiga ah ay warar kala duwan ka soo baxayaan.

In ka badan 10 qof ayaa la soo sheegayaa inay ku geeriyootay qaraxa Xero Nacnac, welina laamaha amniga wax faahfaahin ah kama soo saarin khasaaraha qaraxyada ka dhacay Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay qaraxa Xero Nacnac ayaa “howlgal guuleystay” ku macneysay qaraxaas uu fuliyey qofka isku qarxiyey dhalinyarada ciidanka qoraneysay.