Maxay Sheekh Umal, Sheekh Bashiir iyo Sheekh Qorane ka yiraahdeen qaraxyadii Zoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe 29-kii October 20222, waxaa soo baxayay falcelinta kale duwan ee ka imanaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan dhibaatada ka dhacday halkaas.

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa caanka ah ayaa ka hadlay dhacdadan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Cumlimada sida weyn looga yaqaano dalka iyo dibadda oo Salaadii Jimcaha kadib kula hadlay bulshada Soomaaliyeed magaalada Nairobi ayaa siweyn uga hadlay dhacdada qaraxyadii Soobe oo lagu dilay in 119 ruux, 334 qofna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali nolol iyo Geeri lagu haynin 13 qof oo ka mid dadkii qaraxa la kulmay,.

“War Muqdisho yaa jooga? war dadka aad qarxisay ee aad baai’isay, Gaalo ayaan u socday aaway Gaaladaa u socotay? War Baladweyne yaajooga? War Kismaayo yaa jooga ? Adigoo qalbigaaga iimaan ku jiro oo ka buuxo inaad dhiig Muslim gasho, oo aad daadiso oo aad jiirto, sidee ku suurtoobi kartaa? Aaway wixii ku xakamaynayay, aaway iimaankii ku celinayay, aaway cabsidii,” ayuu yiri Sheekh Umal.

“Rabbi Subxaanahu Watacaalaa wuxuu leeyahay xitaa meelaha ay wax qaldami karaan taxaddara, xitaa meelaha aad qalad ku gali karayso inaad dhiig Muslim daadiso taxadar qaado.”

Sidoo kale Sheekh Cabdiqani Suldaan Qorane oo bulshada ku nool  Garoowe kula hadlaayay Masjid ku yaalla magaalada ayaa si weyn uga hadlay ganacsatada ku taageerta lacagaha Al-Shabaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan ogoleyn iyagu dowladnimada, isaga oo intaas raaciyay in loo baahan yahay lacagaha ay ku taageeraan dowladda iyo ciidanka xoogga.

“Umadda Nabi Muxamed (CSW) Dhiigeeda ku daneysi magalo tujaaro magalo, faa’iido magalo, nimankaan Khawaarij waaye cidda caawisana iyaga ayey la mid yihiin, cidda caawisana ma badbaadeyso, imisaa inta lacag siiyeen oo tiri ma idin dileyno qaraxyo kale ay ku dhinteen, cadad iyo xisaab malahan,” ayuu yiri Sheekh Qorane.

Wuxuu intaas ku daray “Towbadkeen baa la’ idiin ka rabaa, haddaad wax qabanaysaan maad ciidamada kacdoonka samaynaya ee iska dhicinaya lacagta siisaan, haddaad wax qabanaysaan dalka dhismihiisa qeyb ka qaata, risiqa lagu helay in umatul Muxamed la laayo kasab xaaraan ah waaye.”

Dhanka kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo khudbadii Jimcaha boqolaal Soomaaliyeed kula tukaday Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay in qoriga marka laga tago sidoo kale dagaalka ugu weyn uu yahay fikir  iyo fahamka laga heysto diinta suuban ee Islaamka, si shacabku ay waxbadan uga ogaadaan sida uu hadalka u dhigay Shiikha oo hadlayay.

“Dadkii saxaabada gaaleysiiyay, oo yiri diintii aan idiin ka baranay ayaan idin ka badinaa, waa khaldan tihiin dadkii lahaa ayaa wali taagan. Alfaadii ay ku hadlayeen markii shalay Cali Ibnu Abii Daalib (RC) ay la dagaalamayeen meeshii ay ka cabanayeen oo farta ay ku fiiqahayeen ayey ilaa maanta sheegayan, oo ah xukunkaa laga tagay,” ayuu yiri .

“Hadalku waa isku aadan yahay, dadku waa dadkii, hadalku waa hadalkii dagaalkuna waa dagaalkii marka. marka niman saxaabi ah oo Jannada loogu bishaareeyay kuwii dilay cid kale ma daynayaan, inay wax dilaan macno gaar ah malahan, laakiin waxaa macnaha leh inaan fahamsanahay waxaa ay yihiin, ha u malaynin inuu Ilaahey moog yahay,.”