“Marka wax laga sheego madaxweynaha, reerkiisa oo dhan ayaa qeylinaya”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag ugu dhaliilay labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland muddo korodhsiga ay sameystaan, halka Golayaasha deegaankana uu sheegay in la kala diri doono.
Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe Waraabe ayaa waxa uu ka hadlay heerka ay mareyso qabyaaladu, isagoo ka dhawaajiyey haddii wax laga sheego Madaxweyne Muuse Biixi in reerkiiso dhan ay qeylinayaan oo ay ku difaacayaan qabyaalad.
“Muuse hadaanu hadda ka hadalno oo wax laga sheego waxa qeylinaya Sacad Muusaha oo dhan, ileen wuxu waa Madaxweyne oo waa la xisaabtameynaa oo qaladkiisa sheegaynaa, haddii aad dooneysan in aanu caayin Caaqil ka dhigta oo ha fadhiisto maqaaxiyaha” ayuu hadalkiisu kusoo gabagabeeyay guddoomiye Faysal.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com