Masaafada uu FARMAAJO u jaray Itoobiyaan jaceylka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa loo diiwaan galiyey madaxweynihii koowaad ee Soomaali ah oo burburka kadib dowladiisa fagaaraha ka difaacdo Dowladda Itoobiya.

Farmaajo, oo xafiiska ku yimid inuu yahay siyaasiga ugu fog xagga naceybka Soomaalida u qabto Itoobiyaanka waqti dheer, ayaa waxaa si deg deg ah ugu dhacay isbadal masaafadiisa illaa hadda ay Soomaalida la yaaban tahay.

Tallaabadii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay qaaday asbuucaan waxay ahaan doontaa mid diiwaan ku leh taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Golaha xuduuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cod uu qaaday ku ansixiyey dhismaha guddi khubaro ah oo Caalami ah oo baaritaan ku sameenaya tacadiyada xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Wadanka Itoobiya intii uu socday dagaalka aan weli dhammaan.

Codeynta ayaa dhacday kadib shir looga hadlay xaaladda xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya. Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga digay in dagaalka ka socda waddanka Itoobiya uu saameyn taban ku yeelan karo dhammaan dalalka gobolka.

Codeyntii la qaaday iyo halka ay Soomaaliya ka istaagtay ayaa si weyn uga marqaati kacday jaceylka uu Madaxweyne Farmaajo u qabo xukuumadda Abiy Ahmed.

21 waddan oo kamid ah wadamada ku jira golaha xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaas, waxaana kasoo horjeesatay 15 wadan halka ay 11 kalana ka aamuseen.

Wadamada ansixiyey in Itoobiya loo diro guddi heer caalami ah oo baara xasuuqa lagula kacay dadka rayidka ah intii ay dagaalada socdeen waxaa kamid ah Ingiriiska iyo Jarmalka.

Markii aad tahay Soomaali sheekadaan waxay kaa khuseysaa halka uu dalkaagu ka istaagay qadiyadaan lagu baarayo xasuuqaas dhacay.

Soomaaliya waxay kamid noqotay dhowrkii dal ee diidmada ugu codeeyey in guddigaas baarista ah loo diro Itoobiya.

Sidoo kale Eritrea ayaa kamid ah dalalka iyaguna diiday in la baaro tacyadigaan ka dhacay Itoobiya oo ay ku kacday xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed.

Maadaama dadka Soomaalida ay xasaasiyad ka qabaan isku dhajinta uu Farmaajo isku dhajinayo Itoobiya, waxaa Dowladda Soomaaliya u furneyd inay ka aamusto arrintaan haddii aysan taageeri karin in la baaro xasuuqa, ayey leeyihiin dadkii arrintaan fikirka ka dhiibtay.

Wadamada ka aamusay mowduucaan waxaa kamid ah Senegal, Libya, Malawi iyo Sudan. Guddigaan wuxuu shaqeyn doonaa muddo sanad ah, wuxuu kormeeri doonaa xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Itoobiya, wuxuuna baarayaa tacayadii dhacay intii ay dagaalada socdeen.

Wuxuu ka koobnaan doonaa seddex qof. Xukuumadda Addis Ababa ayaa diiday guddigaan iyadoo ku doodeysa in dalal dano gaar ah wata inay golaha afduubteen.

Haddii aan usoo laabano midda ku saabsan Farmaajo

Madaxweynaha mudada ka dhammaatay ee Soomaaliya ayaa waayihiisa kusoo gabagabeeyey inuu meel fagaaro ah ka difaaco Itoobiya oo dunida dooneyso in lala xisaabtamo.

In Farmaajo oo waayihiisa ku billaabay Itoobiyaan naceyb uu maanta kusoo afjaro Itoobiyaan jaceyl kama dhigi doonto qofka ay u sheegayaan kuwa ku hareereysan, wuxuu kaloo dilay in siyaasiyiinta Soomaalida mar kale laga dhageysto inay wax ku raadsadaan cadaawadda Dalalka dariska ah.

Farmaajo wuxuu asbuucaan u safray dalka Turkiga, wuxuu sii maray wadanka Itoobiya, wuxuu raacay diyaaradda Ethiopian Airlines oo safar dheer ah isagoo heli karay safar midkaas ka saacado yar oo ah Turkish Airline.

Sababta waxaa lagu sheegay inuu diidan yahay inuu Jabuuti sii maro, maadaama ay si shakhsi ah isugu dhacsan yihiin isaga iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna ka door biday inuu Itoobiya sii maro.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey u diiday in la baaro xasuuqii ka dhacay magaalada Baydhaba oo ay geysatay dowladiisu, wuxuuna dalka ka eryey Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom mana ah wax lala yaabo inuu diiday in la baaro xasuuq Dal kale ka dhacay, balse midda lala yaaban yahay waa in cidda uu difaacayo ay tahay Itoobya.

Tallaabadaan waxay sii durjineysaa dad badan oo aaminsanaa in xisaabta xaaladaha waaweyn ay u saxan tahay Farmaajo. Tallaabadaan itoobiyaan jaceylka ah wuxuu Farmaajo qaaday iyadoo uu Dalka ku jiro xilli doorasho oo xasaasi ah.