Maxaa ka cusub dagaallada ka socda dalka ITOOBIYA?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xalay dhowr gantaal lagu garaacay caasimada gobolka Amxaarada ee Bahirdar, xili uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigreyga iyo dowladda federaalka.

Gantaaladan ayaa waxa tuuray dagaalyahano ka tirsan maamulka  TPLF oo dagaal xoogan kula jira xukuumadda Abiy Axmed, sida ay baahisay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Weerarkan gantaalaha ee lagu qaaday caasimada caasimada gobolka Amxaarada ayaa noqonaya midkii labaad ee lagu qaado, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Itoobiya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gantaaladaasi lagu gaaracay Bahirdar aysan ka  geysan wax khasaaraha magaalada.

Weerarkan gantaallaha ayaa imanaya xili ay dhawaan maamulka TPLF ay gantaalo ku garaaceen dalka Eritrea, inkasta oo aysan si rasmi ah uga hadal midka Bahirdar.

Dagaalka Itoobiya ee u dhaxeeya Tigreyga iyo xukuumada Abiy Axmed ayaa kasii daraya, maadama xukuumaddu ay iska dhago tireyso baaqyada nabadeed ee beesha caalamka.

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigray inay gaaraan heshiis xabad joojin ah oo kumeel gaar ah kaddib dagaalka labada toddobaad halkaas ka socda.

Ha’yadda waxay dooneysa in la gaaro shacabka ku dhex go’doonsan dagaallada si gargaar loogu fidiyo.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaallada ka socda Tigray halka in ka badan 30,000 qof ay u qaxeen dhinaca Suudaan.

Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadka..

Ma kala cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maadama ay go’antahay isgaarsiinta.