Maxaa ka hirgalay siyaasadda Soomaali dunida heshiis la ah ee madaxweyne Xasan?

Tan iyo markii uu yimid xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waa uu bilaabay dadaallo uu ku hirgelinayo halku dhigga xukuumaddiisa ee Soomaal Dunida Heshiis la ah’, taas oo uu madaxweynaha ku bixiyay dadaalkii ugu badnaa.

Madaxweynaha ayaa bilawgii mudda xileedkiisa socdaallo ku gaaray dalalka deriska, kuwa carabta iyo Yurub si uu saldhig buuxda ugu yeelo siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo aanan fadhinin dhawrkii gu’ ee tagay.

Intaas kadib dowladaha ayaa bilaabay in ay mid mid uga jawaabaan xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya dalkeenna, taas oo keentay in Soomaaliya ay garabkeeda ka aragto dowlado badan, iyadoo xejisaneyso kuwii horay u fadhiyay xiriirkooda.

Hadaba Warbixinta waxaan kusoo bandhigeynaa dadaallada ay saaxiibada Soomaaliya ay ku bixinayaan garab istaagga dowladda Federaalka tan  iyo is-af-garadyadii ay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud.

Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu yimid waxa uu dadaal xooggan uu geliyay sidii ay dowladda federaalka ah ee Itoobiya, u laba jibaari lahayd xiriirkeeda Muqdisho.

Taas ayaa keentay in madaxweynaha uu booqdo Adis Ababa, halkaas oo uu kulanno kula qaatay rai’iisulwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, waxaana labada dhinac ay isla meel dhigeen in laga wada shaqeeyo dhinacyada dhaqaalaha, Amniga, Qiyamka dowladnimada iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah.

Adis Ababa ayaa dhankeeda muujisay kalsoonida iyo wada shaqaynta dhinacyadaas kala duwan ah ee ay ku qabto Muqdisho, waxaana ay qayb ka noqotay dowladihii gurmadka bini’aadanimo u fidiyay Soomaaliya, markii 29-kii October qaraxyo dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay Isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho.

Itoobiya oo ka jawaabayso gurmadka dadkii wax ku noqday qaraxyadii Muqdisho ka dhacay ayaa dowladda federaalka ah ku wareejisay deeq gargaar ah.

Dhinaca kale hay’adaba muqaabaraadka labada dhinac ayaa Muqdisho qalinka kula duugay heshiis xoojinta wadashaqaynta iyo ishdaafsiga xogaha amni.

Jabuuti

Dowladda Jabuti oo kamid ah dowladaha sida gaarka ah ugu suntan garab istaagga iyo taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa iyadu dhankeeda bilawday sidii ay qayb wayn uga qaadan lahayd gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo dadka Soomaaliyeed.

Wadashaynta diblomaansiyadeed iyo iskaashiga dhigacyada amniga ayaa labada dhinac ay bilaabeen dhaqan gelintiisa, waxaana ay taasi dhalisay in habmaamus sare ay kala helaan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa biladda ugu sareysa ee dowladda Jabuti ay  ay bixiso ka guddoomiya Ismaacil Cumar Geelle, kadib dadaaladiisii uu ku bixiyay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee Hiil-Walaal.

Jabuti ayaa sidoo kale dhaqaatiir u soo dirtay Soomaaliya, markii Muqdisho ay 29-kii October ay ka dhaceen qaraxyo ay dad badan ku dhinteen, xilligaas oo uu ra’iisulwasaaraha dalka Jabuti Cabdoulkader Kamil Mohamed, faray in si degdeg ah loo garab istaago Muqdisho.

Kenya

Waxa ay muddo dhawr sano ah xiriirkeeda uu la xumaa arrimo salka ku hayo dano gaar ah, taas oo meesha keentay in labada dal oo ah ood wadaag ay xaaladooda adkaato.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar booga dhayid ah ku tagay Nairobi kadib doorashadiisi, waxaana ay noqotay middaas in labada dhinac ay si wadajir ah u sheegaan in khilaafkii iyo xurguftii jirtay la xaliyay.

Xasan Sheekh ayaa kadib doorashadii ka dhacday Kenya markale cagaha dhigay Nairobi, waxaana uu hoggaankeeda cusub uu kala hadlay sidii loo adkayn lahaa danaha labada dhinac oo aan marna kala maarmin.

Dowladda Kenya ayaa iyaduna dhankeeda bilawday in ay soo celiso, wanaajisana wadashaqaynta Amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Nairobi ayaa sidoo kale bilawday in ay doorwayn ka ciyaarto sidii ay u taageeri lahayd sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd ururka bulshada bariga afrika EAS.

Sudan

Khartoum, ayaa kamid ah dowladaha ay xukuumadda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay bilaawday in ay la yeelato xiriir saaxiibtanimo oo ka dhaw midkii ay horay u lahaayeen labada dowladood.

Xasan Sheekh ayaa booqasho ku tagay dalka Sudan isaga oo la kulmay madaxda dalkaas, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga.

Wasiirada difaaca Sudan iyo Soomaaliya, ayaa fadhi gaar ah ku yeeshay Khartoum, waxaana ay Soomaaliya ay ka dalbatay dhiggeeda Sudan, in ay qayb ka noqoto dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Sudan ayaa dhankeeda aqbashay in ay Soomaaliya ku taageerto saanadda dagaalka, waxaana ay taas xoojisay xiriirka wadashaqayn ee labada dhinac.

Masar

Qaahira waxa ay door muuqdo oo waxbarashada, caafimaadka iyo taageeridda siyaasadda ay ku leedahay dowladda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu siiwaday wadashaqayntii ay dalka ay lalaheeyd.

Cabdulfatah Sisi iyo Xasan Sheekh ayaa dhawrjeer oo kala duwan kulama yeeshay, waxaana ay labadaba ay meel isla dhigeen in iskaashiga islaamnimo iyo saaxiibtinimo ay sii wadaan dhinacyada.

Masar ayaa sidoo kale taageero dhanka ciidanka ah u balan qaadday dowladda Soomaaliya, waxaana ay sidoo kale iska kaashanayaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada labada shacab.

Turkey

Dowladda Turkiga oo xiriir walaaltinimo muddo 12 sano ah la garab taagneyd shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayaa ayadana waxa ay sii xoojisay taageeradeeda dhinaca walba ah ee Muqdisho ay siiso.

Ankara oo kamid ah saaxibada safka hore kaga jira garab istaagga Soomaaliya ayaa dhankeeda qayb ka noqotay hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda dalka.

Turkiga ayaa diyaaradihiisa dagaalka Bayraktar ay ka soo muuqdeen dagaalka ay shacabka iyo ciidamada ka wadaan qaybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta dalka.

Istanbul ayaa xoojisay sidoo kale tababarka ay siiso ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, waxaana ay iskaashigeeda militeri ee ay Muqdisho kula jirto uu noqday mid aad u sarreyo.

Labada madaxweyne ayaa ku heshiiyay in saaxiibtinimada iyo walaaltinimada ay si wadajir ah u adkeeyaan, la iskana kaashado dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Ururka Jamacada Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Aljeriya, kaga qayb galay shirwaynaha ururka jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya Xubin firfircoon ka tahay waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso oo uu kaga hadlay xaaladda dalka.

Xasan Sheekh ayaa dalalka carabta u sharaxay dagaalka Al-shabaab ka dhanka ah ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ururka looga baahan yahay in dowladdiisa ay ku garab siiyaan dagaalka.

Dhammaan dadaaladaas ayaa salka ku haya hirgelinta Soomaali oo dunida heshiis la ah, sida uu horay u sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

W/Q: Abdirahman Sabriye

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.