Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka dagay JABUUTI + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxayna ka dageen dalka Jabuuti.

Xamza Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran garoonka ugu soo dhaweeyay, dhiggiisa dalkaasi Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Booqashada ra’iisul wasaaraha oo ku timid casuumaad uu ka helay dowladda Jabuuti ayaa qaadan doonto muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiikiisa.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Jamhuuriyadda Jabuuti wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, isaga kala hadli doono xoojinta xiriirka ku dhisan walaaltinimada iyo darisnimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti kala hadli doono arrimo ku aadan dagaal ay dowladda kula jirto Shabaab iyo sidii ay uga taageeri laheyd howlgallada socdo.

Wuxuu sidoo kale uga mahadcelin doonaa garab istaagga ay reer Jabuuti u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, kadib qaraxyadii ka dhacay Zoobe, maadaama ay soo direen gurmad deg deg ah iyo dhaqaatiir howlo caafimaad ka fuliyey magaalada Muqdisho.

Booqashadaan ayaa qayb ka ah safaro kala duwan oo uu ra’iisul wasaaruhu ku bixinayo dalalka dariska, wuxuuna dhowaan gaaray dalka Itoobiya, isagoo kadib soo maray Jigjiga.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale qayb ka tahay howlgalka ATMIS, ayada oo ciidamadeeda ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan.