Qeylo dhaan laga soo saaray Shabaab iyo qoysaskooda oo kusoo qulqulaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo qoysaskooda ay kusoo qulqulayaan magaalada Muqdisho, xilli laga soo saaray deegaano badan oo dalka ka mid ah.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa laga saaray inta badan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, hase yeeshee taasi kama hor-istaagin inay weerar ka fuliyaan caasimadda.

Guddoomiye Yuusuf Boorsaani ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Muqdisho inay isha ku hayaan dadkaasi Al-Shabaabka ah iyo qoysaskooda ah, soona sheegaan, inta aanay sameyn amni darro ah.

“Meesha bahallo-galeenka ah waa taqaaniin, cidda wax kasta soo dhoweysata waa taqaaniin, waa magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho soo dhoweynta inaysan u dhiman ayaan rabnaa. Maalin kasta in la yiraahdo baabuur qarax sida ayaa meel hebel jooga ee khalkhald dadka ay ku noolaadeen, suuragal maaha,” ayuu yiri Yusuuf Boorsaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dagaallada looga horjeedo Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, taasina ay keentay in markii lagu soo jebiyay ay carruurtooda iyo xaasaskooda soo geliyeen magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa xaalad cabsi ah ku jirtay tan iyo intii uu dhacay Qarixii Zoobe ee labaad 29-kii October 2022, waxaana xarumo badan a dhigay ciidamo dheeraad ah, iyadoo la saadaaliyay inay qaraxyo dhici karaan.

Sidaas oo ay tahayna saddex habeen kahor un waxaa ka dhacay qarax kale oo lala beegsaday Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaasi oo lagu dilay shan dhallinyaro oo loo qorayey ciidan ahaan.