Maxaa ka jira in ILHAAN loo diiday inay tagto Boosaaso?

Boosaaso (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa been-abuur ku tilmaantay war la faafiyey oo ahaa  in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd Boosaaso.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waraysiga gaarka ah ee ay siisay BBC-da ku sheegtay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka ku saabsan in laga hor istaagay Boosaaso.

“Warkaas waxbo kama jiro, waan xiisaynayay in aan Boosaaso tago se wakhtigaa aad iigu yaraaday, waanan rajeynayaa in marka danbe ee aan soo laabto aan Boosaaso gaadho,” ayay tiri Ilhaan oo ku sii jeeday Muqdisho. 

Ilhaan ayaa intii ay Puntland joogtay, waxay la kulantay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Deni, odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo ay kala hadashay arrimo kala duwan.

“Waxaan u imid in Puntland soo booqdo wakhti badan baa iigu danbaysay, in qoyskaygii aan soo booqdo, meelaha xaal u marayana aan waraysto,” ayay tiri Ilhaan.

Ilhaan ayaa intii ay ku gudo jirtey safarkeeda waxa ay la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, wasiirrada, xildhibaannada iyo odoyaasha dhaqankaba qaar ka mid ah. 

Ilhaan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016 markii u horraysya, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.

Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra’iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaas.Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay waxayna sheegtay “inay qaadatay dhaleeceynta casharna ay ka baratay “.

Ilhaan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo ku dhajiyay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya.

Booliska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dil kaas oo uu ku sheegay inay tahay “argagixiso”.

Isha: BBC