Maxaa ka jira in nidaamka shaqaaleysiinta ee xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre uu qabiil ku saleysan yahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinno lagu faafiyay qaar kamid ah website-yada Soomaalida ayaa xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ku eedeysay shaqaaleysiin qabiil ku saleysan, ayada oo aan lasoo bandhigay wax caddeymo ah oo arrintaas taageeraya.

Warbixinnada ayaa si gaar ah u bar-tilmaameedanayay xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Axmed-Nuur Maxamed oo muddo kooban xilka ku magacaaban, balse dib-u-habeyn ballaaran ka billaabay nidaamka shaqo ee xafiiska.

Si kastaba liis 24 magac ka kooban oo ku caddaa warqadaha codsiga kaararka shaqaalaha xafiiska ayaa lagu ogaaday in laba qof oo kaliya ay ku heyb yihiin Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Sidoo kale waxaan ogaannay in aysan jirin shaqaale cusub ee la qoray balse warqadaha la faafiyay ay yihiin kuwa loogu dalbayay shaqaalaha cusbooneysiinta kaararka aqoonsiga.

Halkan hoose waxa aan ku soo bandhigeynaa magacyada iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan shaqaalaha ay magacyadoodu ku caddaayeen warqadaha codsiga kaararka aqoonisiga ee la baahiyay:

Magaca Qabiilka
Umukhayr Fu’ad Ali Dir/Isaaq
Xuseen ibraahin Cali Isaaq/Dir
Hodan Nuur cabdi Dir/Daqoodi
Abdi Barud Dir/Isaaq
Abdifitah Abdinur Dir/Isaaq
Mustaf Abdi Ali Dir/Isaaq
Naima Yusuf Salad
Mohamed Husein Mohamed Daarood/Majeerteen
Zakariye Mohamed Ibraahin Hawiye/Sheekhaal
Suuban Hesien Jama Majeerteen
Cabdiracman Maxamed Guutaale Dir/Isaaq
Mohamed Moalim Said Daarood/Ogaadeen
Sagal Naasir Shiddo Hawiye/Habargidir/Sacad
Mahdi Husein Abdulle Isaaq/Dir
Omar Mohamed Osman Hawiye/Habargidir
Abdirashid Hajinur Hawiye/Duduble
Ciise Aadan Cabdiraxmaan Dir/Isaaq
Faadumo Ali Nuradin Hawiye/Abgaal
Abdul Mohamed Makaraan Hawiye/Xawaadle
Ahmed Mohamed Sa’id Dir/Isaaq
Abdi Ali Rage Daarood/Ogaden
Ali Ibrahin Cali Digil iyo Milifle
Abdirahman Warsame Abdi Daarood/Majeerteen
Hana Ahmed Igal Dir/Samaroon


Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com