Wasiir Beyle: “Waxaa la igu haystaa MASHRUUC ii fuli mana ogolaan doono”

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay xildhibaanada baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa ahaa mid ka duwan kulamadii caadiga ahaa ee ay ku yeelan jireen magaalada Muqdisho.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa hortagay golaha baarlamaanka, waxaana wax laga weydiiyay eedeynta guddiga maaliyadda Baarlamaanka ee la xiriirta musuq maasuqa dhaqaalo badan.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in marnaba uusan aqbali dooni ku takri falka hantida qaranka, taa badalkeedana uu ilaalin doono.

Wasiirka wuxuu sheegay in isaga lagu heysto fulinta mashruuc uu sheegay in loola yimid, sidaasi daraadeedna uusan aqbaleyn fulinta mashruucaasi, walow uusan sheegin waxa mashruuca uu yahay.

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Warbixintii ay soo saareen isku khilaafsan waxaana xubno ka mid ah guddiga ay sheegeen in aysan waxba kala socon Warbixinta oo dood badan ka dhex abuurtay baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta su’aalo adag weydiiyay wasiirka waxaana kulanka maanta uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama xildhibaanada ay labada dhinac ay u kala safnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com