Maxaa ka jira in Soomaalida kaliya loo diiday inay ka cararaan dagaalka ka socda Sudan?

Qadaarif (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa maanta dib u qarxay kadib markii ay dhaqan geli weysay xabad joojin loogu talagalay munaasabadda Ciidda.

Soomaalida ku sugan dalka Sudan oo arday iyo shacab kale isugu jirta ayaa qaarkood waxaa u suurta gashay inay ka qaxaan magaalada Khartuum oo dagaal culus uu ka socdo, waxayna tageen magaalo xadeedka Qadaarif.

War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Balse Axmed Xasan Maxamed oo ka mid ah Soomaalida ku xayiran dalka Sudan ayaa sheegay inay ku sugan yihiin magaala xadeedka Qadaarif oo ay ku xayiran yihiin, wareysi uu Axmed siiyey BBC ayuu uga warbixiyey dhibaatooyinka ay wajahayaan.

“Waxaan magaalada Khartuum ka soo baxnay maalintii afaraad ee dagaalka, taas oo ku beegnayd Arbacadii lasoo dhaafay, waxaan u soo baxnay dhankaas iyo magaalada Qadaarif, si aanu u gaarno dalkeenii Soomaaliya, inagoo sii mareyna xadka Itoobiya, balse hadda waxaan ku xayiranahay magaalo xadeedka Qadaarif,” ayuu yiri Axmed.

Wuxuu intaas ku sii daray in bilowgii ay Khartuum ka soo baxeen iyagoo qiyaastii 20 arday ah, balse hadda Soomaalida ku sugan Qadaarif ay shan boqol ku dhow yihiin.

Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah aysan garanayn, balse Soomaalidii kale ee wadatay baasaboorrada dalalka kale, sida Kenya iyo Itoobiya la fasaxay oo ay ka gudbeen xadka.

“Waxaan la dhaafeyn ciidamada Suudaan, sababta ay nagu haystaana nooma sheegin, aniga ahaan baasaboorkeyga waa uu shaqeynayaa, Iqaama ayaa ii saaran, balse dhanka Suudaan baa nagula haystaa,” ayuu yiri Axmed Xasan oo ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogtay dalka Suudaan.

“Aniga Axmed ah, waxaan kuwada soconnay 10 arday oo Soomaali wada ah, laakiin waxaa nagu jiray labo wiil oo baasaboor Kenyan ah sitay iyo inan mid Itoobiyaan ah sitay, hase yeeshee 3-daasba waa ay ka gudbeen inagii baasaboor Soomaaliga wadanay ayaa meesha ku xayiran,” ayuu Axmed hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Axmed Xasan wuxuu sheegay inay wajahayaan caqabado ay ka mid tahay kharash la’aan, maadaamaa xawaalad lacag loogu soo diro aysan jirin, kharashkii ay wateena uu ka go’ay.