Maxaa kiciyey ololaha yaab-ka leh ee ka dhanka Turkiga ee ka socda Saudi Arabia?

Marar badan ayaa baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ee wadanka Sucuudiga waxa ka bilaaabma olole lagu doonayo in lagu qaadaco badeecadaha Turkiga ee dalkaas loo dhoofiyo.

Arintaas ayaa aad u sii xoogaysatay labadii sannadood ee u dambeeyey markii xiisaddii ka dhalatay dilkii weriyihii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashoqji lagu khaarajiyey qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul ku taal dhexdeeda bishii Oktoobar ee 2018.

Iyadoo hadaba ay haatan ku beegan tahay sannad guuradii labaad ee dilkii Khaashoqji, ayaa waxa dardar hor leh yeeshay ololaha ka socda shabakadda Twitter ee dalkaas. Waxaana muwaadintiintu ku ladhayaan fariimahooda hal ku dhegyo ay ku doonayaan in la qaadaco wax kasta oo Turkiga lagu sameeyey.

Ololahan ayaa hadaba waxa uu sidoo kale dhaliyey dood dhex maraysa dadka Carabta ah ee adeegsada Twitter-ka qudhooda oo iyagu arinta ku eegaya aragtidooda gaarka ah iyo hadba dhanka ay la jiraan marka la eego xiisadda ka taagan gobolka Gacanka iyo siyaasadaha Erdogan ee gobolkaa ku aaddan.

Hase yeeshee dadka arintan aadka ula socda ayaa su’aalo ka qaba in ololahani yahay mid ay xukuumaddu dabada ka wado oo aanay is muujinyeyn oo uu yahay wax shakhsiyaad si iskood ah u bilaabeen.

Ma shakhsiyaad baa bilaabay mise dawladda?

Ololuhu wuxuu sannadkan ku bilaabmay fariin uu Twitter-ka ku qoray gudoomiyaha rugta ganacsiga Sucuudiga, Cajlaan Al-Cajlaan, oo uu shacabka ugu baaqay in ay qaadacaan badeecadaha Turkigu sameeyo oo aan dalka loo soo dhoofin iyo sidoo kale in aanay shacabka Sucuudigu u dalxiis tagin oo aanay maal gashan Turkiga.

Maalmo yar uun ka dib ayaa waxa soo baxay hal-qabsiyo (Hashtags) lagu taageerayo soo jeedinta Cajlaan, waana markiigu ugu hadal hayn batay labada hal-qabsi oo kala haa ololaha_qaadacaadda_ badeecadaha_ Turkiga iyo ololaha shacabka _ee_ qaadacaadda_ Turkiga oo labaduba aad ugu faafay dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Shakhsiyaadka arintaa taageeraya waxa ka mid ah Amiir-ka reer Sucuudi ee Cabdiraxmaan Bin Misaacid oo aan xil rasmi ah ka haynin dawladda.

Dadka Sucuudiga ah ee ololahaa wada ayaa waxay leeyihiin ololahani wuxuu falcelin u yahay “falalka cadowtinada ah ee Turkigu kala hor yimid shacabka iyo dawladda dalkooda” haatanna waxay hal-qabsiga ololaha ay Twitter-ka ka wadaan u bixiyeen kacdoonka_ shacabka oo ay ku sheegeen in ay “dad ka tiro badan kuwii ololeyaashii hore ka qayb galay ay haatan ka qayb qaadanayaan”.

Waxa se jira qaar kale oo dalbanayaba in ololahan ka socda Twitter-ka laga dhigo xaqiiqo oo dalku dhaqan geliyo waxay dalbanayaan.

Hase yeeshee kuwo kale ayaa qaba in ololahani waxba soo kordhinayn oo u arka uun in uu yahay “olole iska kooban oo ka dhex socda internet-ka ujeedadiisuna tahay in shacabka Sucuudiga laga indho saabo arimaha tooska u taabanaya ee u muhiimka ah”.

Waxa iyaguna ololahaa ka falceliyey shacabka dalalka Carbeed ee kale qaarkood oo iyaguna Twitter-ka ka bilaabay hal-qabsiyo ay ku taageereyaan Turkiga oo uu ka mid yahay ololaha_shacab_ee taageerada _Turkiga.

Waxaanay dadkaasi canbaareeyeen aragtidaa Turkiga lagaga soo horjeedo oo ay ku sheegeen “dagaal dhaqaale oo ay dawlado Carbeed ku qaadeen dal Muslin ah oo difaaca qaddiyadaha ummadda Muslimka.”

Waxaanay sheegeen in ay filayaan in waxa lagu doorsanayo badeecadaha Turkigu noqon doonto badeecadaha Israel oo loo furo suuqa Khaliijka. Waxaanay arintaa marag uga dhigeen sida ay isugu soo dhawaanayaan Israel iyo dalalka Carbeed ee ay xulafada yihiin Sucuudigu.

Ololahani saamayn ma yeeshay?

Waxa jira qayb saddexaad oo su’aalo iska weydiinaysa “sababta dawladda Sucuudigu uga gaabsanayso in ay go’aan rasmi ah qaadato oo ay xidhiidhka ugu jarto Ankara oo ay si badheedha u joojiso badeecadaha uga yimaad?”

Su’aashaas waxay dadka lafa gura siyaasaddu kaga jawaabeen in sababtu tahay “Suudiga oo ka baqaya in cunaqabatayn uu saaro ururka ganacsiga aduunku, hadii uu si rasmi ah go’aan qaadacaad ganacsi ah ugu soo rogo Turkiga. Sidaa awgeed ayuu cadaadis ugu saarayaa muwaadiniintiisa in ay si toos ah iyo si dadban ba uga hor yimaadaan Turkiga”.

Waraysi ay la yeelatay wakaaladda wararka Anadool ee Turkigu horaantii bishan, ayaa wasiirka arimaha dibadda dalkaas, Mevlut Cavusoglu, ku tilmaamay “wax aan jirin” wararka tibaaxaya in ganacsiga Turkiga ee Sucuudiga halisi soo food saartay.

Waxaanu intaa ku daray “masuuliyiinta Sucuudigu arintaa ganafka ayay ku dhufteen, anaguna aad baanu isha ugu haynaa hadii ba ay dhacdo in badeecadaha Turkiga la qaadaco bishan aynu ku jirno”.

Sidoo kale waxa arimahaa beeniyey xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Sucuudiga oo sheegay in aan wax xayiraad ah lagu soo rogin badeecadaha Turkiga uga taga.

Dhanka kale se waxa jira warar la sheegay in ay hadal hayeen khubarada dhaqaalaha iyo muwaadiin Sucuudiyiin ah iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo ganacsato Turki ah oo ka hadlaya saamaynta taban ee ololahaa qaadacaaddu ku yeeshay ganacsigooda.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in todobaad ka hor ay warbxin si wada jir u soo saareen madaxda sideed shirkadood oo ugu wayn kuwa ganacsiga Turkigu ay ku sheegeen in ay soo gaadhay cabasho uga timi shirkado Sucuudi ah oo tilmaamaysa in dawladda dalkaasi ku soo rogtay amarro hor leh oo ay ka mid yihiin in ay saxeexaan dokumentiyo gaar ah marka ay soo waaridaan badeecadaha Turkiga ay ka keenaan.

Qaadacaaddu ma sii socon doontaa?

Dadka odorosa siyaasadda ayaa qaba in dagaalka warbaahinta ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Turkigu uu sii kululaan doono dhawrka bilood ee soo socda. Waxaanay khubaradu intaa ku darayaan in qaadacaadani ay Turkiga ku qasbi doonto in uu xulufo cusub oo dhaqaale ka samaysto gobolka, isaga oo wax ka bartay sidii Qatar loo go’doomiyey.

Waxa kale oo ay ka digayaan cawaaqibka xun ee ololahan qaadacaadda ahi ku yeelan doono dhaqaalaha Turkiga iyo Sucuudiga labadaba.

Sucuudigu wuxuu kaga jiraa suuqyada uu Turkigu wax u dhoofsho kaalinta 15, waxaana lagu qiyaasay qiimaha badeecadaha dharka, roogagga iyo agabka kiimikaad ee Turkigu u dhoofshaa in uu gaadhay 1.91 bilyan oo doolar sideedii bilood ee ugu dambeeyey sannadkan 2020.

Waxay se xogta laga helayo Sucuudigu muujinaysaa in qiimaha badeecadaha Turkigu u dhoofiyo dalkaasi uu hoos u sii dhacayey tan iyo sannadkii 2015. Hase yeeshee waxa qiimaha ganacsi ee labada dal is weydaarsadaan lagu tilmaamayaa inuu yahay qiyaastii 5 bilyan oo doolar sannadkii.