Maxaa loo fasiran karaa cadaadiska Mareykanka ku hayo dowladda federaalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa bilaabay in uu Dowladda Federaalka ku cadaadiyo inay la kulanto Madaxda Maamul Goboleedyada, si xal uga gaaraan arrimaha ay isu hayaan, oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalka. Caalamka ayaa daneynaya in dalka ka qabsoomto doorasho ugu yaraan heshiis lagu yahay.

Cadaadiska Mareykanka ee xilligan ayaa waxaa soo dedejisay, markii Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, ay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inaanay daacad ka ahayn doorasho xor iyo xalaala oo dalka ka dhacda.

Agaasimaha Machadka Heritage, Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa cadaadiska Mareykanka ee Dowladda Federaalka ku tilmaamay mid lagu cannanayo Villa Somalia.

Agaasimaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa sheegay in dunida ay si hoose ula hadashay Dowladda Federaalka, hase ahaatee aynaan fahmin, taasina ay dhabaha u xaartay hujuumka xilligan soo wajahay.

“Safaaradda Mareykanka, Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka muddo dheer bay ku celcelinayeen, sida bulshada rayidkaba ugu celcelineysay, saamileydu iyo dadka siyaasadda isla leh banooniga inta ay dhulka dhigaan ha tashadaan muddo dheer baa lagu celcelinayay. Dowladana anagaa dalkan ka talina hanala daayo bay siyaasadeedu ahayd, marka hoos waa loola hadlay, hoostii bay macnaha wax ku fahamsiin waayeen, si sarbeeb xigeena baa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey looga soo saaray, waa ku fahmi waayeen, marka hadda barta Twitter-ka in lagu yiraahdo Villa Somalia sida sharcigu qabo inay Maamul Goboleedyaa la tashato waa cannaan iyo indho gaduudis waaye. Marka waa quus camal in laga quustay, dadkana la fahamsiinayo waxay aaminsan yihiin, adduun baa hawshaan nala ogoo, nala wadana biyo looga dhibcinayo oo liin looga daadinayo camalna way u egtahay.” Ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage.

Mar la weydiiyay waxa tani xiggi kara ayuu ku jawaabay “Laba uun baa dhici kara xalayna aan ku qoray barta Twitter-ka. Dad raba in dib loo doorto oo Madaxtooyada raggaasi fadhiya ay ugu horeeyan oo doorasho keliya indhahooda arkaan iyo dad ay ka go’an tahay inaysan nimankaasi sidii doorasho ay ku heli lahaayen ay u sii salaxdaan ku khasbin, baa is hortaaganoo iskuna jeeda. Markan haddaan adduunyada imaan marka u dambeyso in la ceeboobo ayaa imaaneysa, oo fara taag taag iyo fowdo loo gudbo, ileen hadda hadal, cannaan, qaylo dhaan iyo waraaqaa socdo.”

Cabdirashiid Khaliif ayaa qaba haddii aynaan Siyaasiyiinta Soomaalida si dhow uga wada hadlin xal u helidda mushkiladaan taagan, ay xaajada ku soo idlaan doonto sumcad xumo.

“Haddii aysan dadkaas aqbalin inay miiska intay fariistaan dhahan war sidee waxaan, wax xalaala oo qofna aan dhibeen, qofna uusan ku daneysaneen, see u samayn karnaa haddaan la dhihin, waxay ku tageysaa faro taag taag, ceeb iyo fowdo.” Ayuu yiri Cabdirashiid Khaliif.