Aabe dilay gabadhiisa oo 13 jir ahayd kadib sheeko jaceyl oo yaab leh oo ay sameysay

Tehran (Caasimada Online) – Gabar 14-sano jir ah oo Iran u dhalatay ayaa waxaa madaxa ka gooyay Aabaheed, xilli ay hurdeysay, taasi oo lagu sheegay “dil sharafeed”, sida uu wariyay TV-ga caalamiga ah ee Iran.

Madaxweyne ku xigeenka arrimaha Haweenka Iran ayaa ku dhawaaqday amar gaar ah si loo baro dilka ka dhacay magaalada Talesh.

Gabadha dhowr iyo toban jirka ah ee lagu magacaabo Romina ayaa guriga qoyskeeda ka carartay waxayna raacday nin 35 jir ah oo lagu magacaabo Bahamn Khavari, oo la sheegay inuu jaceyl kala dhaxeeyey, kadib markii Aabaheed uu ka carooday qorshihii guurkooda.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa werisay in iyadoo Romina ay mas’uuliyiinta amniga u sheegtay in ay gurigooda khatar ku geli karto ayna nafteeda u baqayso, ay hadana u gacan galiyeen qoyskeeda, sida uu sharciga dalku qabo. Markii ay guriga ku laabatay, ayuu Aabaheed masaar ku dilay.

Aabihii ayaa la xiray, waxaana socda baritaan ku saabsan falkaas oo loogu yeeray “dil sharafeedka”.

Dil sharafeedka waxaa sameeya raga qoyska, waxayna dilaan dumarka ay u arkaan in ay qoyska sumcad darro u soo jiidayaan.

Dilkii Romina kadib, Madaxweynaha Iran waxaa uu golihiisa Wasiirrada ku booriyay in ay soo saaraan sharciyo adag oo ka dhan ah dil sharafka.