Muse Biixi oo ‘unugyo cusub’ u sameystay mashruuc uu wado Imaaraadka Carabta

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Mas’uuliyiin cusub u magacaabay mashruuca Berbera Corridor oo ay maal-gelinayso dowladda Imaaraadka Carabtu, gaar ahaan Hay’addeeda horumarinta ee Abu Dhabi.

Unugyadan cusub ee uu Madaxweyne Biixi u sameystay mashruucaasi, ayaa tiradoodu dhan tahay lix Mas’uul, kuwaasi oo gebi ahaantoodba hoostagi doona maamulkiisa, isla markaana gacanta ku hayn doona mashruucaasi ay ku baxeyso malaayiinta doolar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muuse Biixi ayaa Lixdaasi Mas’uul u magacaabtay mashruucaasi, isagoona gebi ahaanba ka talo-gelin wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka.

Madaxweynaha ayaa dhawaan si toos ah warqad ugu diray Abu Dhabi Fund for development, midaasi oo kula socodsiinayo magacaabista unugyadiisa cusub ee mashruucaasi, iyada oo aan lala wadaagin warbaahinta.

“Anniga oo tixraacaya waraaqda ay soo qortay Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ee Sanduuqu uu ku codsaday in la dhiso Unnuga Fullinta Mashruuca ee ku astaysan Heshiiska Is-afgarad, waxa ay go’aansatay dowladda Somaliland inay magacawdo kooxdaasi oo ka kooban maamule u qalma oo ay kaalmaynayaan khuburo farsamo, maaliyadeed iyo maamul” ayaa lagu yiri warqadaasi oo nuqul kamid ahi ay heshay Caasimada Online.

Xubnaha uu mashruucaasi u magacaabowday madaxweynuhu ayaa kala ah:

1. Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) = Maamulaha Mashruuca

2. Eng. Cabdikariin Xasan Nuur = Injineer (Structural Engineer)

3. Eng. Mawliid Nuux Taani = Injineer (Senior Engineer)

4. Eng. Cali Yuusuf Kaahin = Injineer  (Survey engineer)

5. Mawliid Maxamed Raabi = Sarkaalka Maaliyadda

6. Mukhtaar Xuseen Maax = Sarkaalka Maamulka iyo Is-gaadhsiinta

Lixdaasi xubnood ayaa qaban doona shaqooyin kala duwan oo ku qotoma mashruucaasi, kuwaasi oo qeyb weyna ka qaadan doona inay si joogto ah u dersaan oo u ansixiyaan dhamaan heshiisyada la soo gudbiyo.

Sidoo kale waxay xubnahaasi si joogto ah u kormeeri doonaan, islamarkaana u hayn doonaan dhamaan diiwaanka howlaha dhisme ee mashruuca Berbera Corridor, iyaga oo kor joogteyn doona howlaha shaqo ee mashruucaasi.

Lixdaasi Mas’uul ayaa si toos ah u hoostagi doona madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, iyada oo ay jirto wasaarado ku shaqo leh arrimahaasi, walow ay u muuqatana mid uu madaxweynuhu ku awood maroorsanayo mashaariicda waxtarka leh.