Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo gudoonka cusub ee Labada Aqal ee BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay labada guddoomiye ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Rooble ayaa guddoomiyeyaasha KMG ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub wuxuu kala hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Waxaa hadda la guda galay ka shaqeynta qorshaha qabashada doorashada guddoonnada labada Aqal ee baarlamaanka, maadaama Dhabancad iyo Gaagaab ay yihiin labo ku sime, ilaa inta laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhaban-cad oo ah guddoomiyaha ku meel gaar ah ee golaha shacabka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo isna ah guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa si wadajir ah u iclaamiyey in berri oo Sabti ah ay furmayaan kulamada labada Aqal.

Labada Aqal ayaa ku kala shiraya xarumahooda, waxaana lagu wadaa inay kulamadooda diiradda ku saaraan arrimaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka.

Labadaan guddoomiye ayaa shalay hoggaanka u qabtay baarlamaanka cusub, kadib markii la dhaariyey xildhibaanada, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka 290 xubnood oo laba Aqal ah ayaa la dhaariyey shalay.