Daawo: Taliye Shub oo shaaciyey sababta aan loogu dhaarin xilka xildhibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo hadda ka mid noqday xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xilkii hoggaanka ciidanka Asluubta uu ku wareejiyey ku xigeenkiisa.

Sidoo kale Jeneraal Mahad ayaa u jawaabay rag uu sheegay inay been abuur ka faafiyeen, isagoo in guddiga doorashooyinka aysan siin kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyo, cid kale oo war u boobtana aysan jirin.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta aysan weli u dhaaran isaga, Yaasiin Farey iyo Cabdullahi Kullane, isagoo beeniyey warar uu sheegay in laga faafiyey oo ah in Farmaajo uu ka hor istaagay dhaarinta.

“Waxaa la yiri shahaadadii ma qaadan oo waxaa u diiday Farmaajo, taasi waa been laba shahaado ayaan weliba wataa, tan federaalka iyo tii maamulka la isaga soo doortay uu i siiyey, dhaarta in lagu dhaqmo aan la rebin ee la boobaayana diyaar ayaan u ahay, waqtigeeda ayaan dhaaranaa,” ayuu yiri Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta.

Wuxuu sheegay in cid xilka ka qaadis ugu goodi karta aysan jirin, balse uu fahamsan yahay in xilka taliyaha iyo xubinimada baarlamaanka aysan is qaba karin, sidaas darteedna ku xigeenkiisa uu xilka ku wareejiyey, intii uusan Baydhaba kursiga u doonan.

“Waxaan wataa ID Card ay K/Galbeed isoo siisay, shirka berrina waan ka qeyb gelayaa oo baarlamaanka waan isugu imaaneynaa, aad ayaan ugu faraxsanahay dhaarinta iyo dhismaha baarlamaanka, waxaana diyaar u ahay in shuruucda baarlamaanka aan ku dhaqmo, daneheyga ayaana ku maqnaaye cid kale yaan dusha la iga saarin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Mahad.

Hoos ka Daawo