Tallaabadda xigta kadib ansixinta dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii toddobaadkan ansixiyay wax ka beddelka dastuurka dalka, oo uu buuq badan ka taagna.

Wax ka beddelka la ansixiyay ayaa khuseeya afarta cutub ugu horreysa ee dastuurka KMG, oo ay ku jiraan isbeddel lagu sameeyay hannaanka doorashooyinka iyo habraaca cusub ee loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamaan saddex xisbi.

Sidoo kale wax beddelka ayaa dhigaya in muddo xileedka federaalka u noqdo shan sano, halka u markii hore ka ahaa afar sano. Waana mid muujineysa in sanad dheeri ah ay heli doonan hoggaanka haatan tallada haya.

Kadib meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ayaa la isweydiinaya tallaabadda xigta, xilli Villa Somalia ay uga adkaatay mucaaradka baarlamaanka.

Shaqada xigta ansixinta afarta cutub ayaa ah in la dhameystiro shuruucda lagama maarmanka ah, si loo gaaro doorashada xisbiyada badan, sida uu sheegay Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iuo Soohdimaha.

”Sida uu dhigayo dastuurka hadda la ansixiyay waxaa xigi doona si loo gaaro doorasho in shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka la sameeyo sida; sharciga doorashooyinka, sharciga xisbiyadda siyaasadda, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka in dib-u-eegis lagu sameeyo, maadaama dastuurka lagu daray tilmaamo awal aan ku jirin,” ayuu yiri Xoghaye Cabdirisaaq Bashiir oo la hadlay BBC.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay horay u jirtay “in xubnaha guddigu ay ka yaraayeen tirada hadda la ansixiyay, in xisbiyadu ay badnaayeen iyo in muddo xileedka xukuumadda ay wax iska bededeleen,” ayna dhamaantood u baahan yihiin in xilli hore lagu dhaqaaqo shaqadooda.

Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in guddi ahaan ay jireen caqabado badan oo ku xeeran, ayna hadda ku howlan yihiin sidii looga gudbi lahaa.

”Caqabadihii nasoo maray waxaa kamid ahaa in doorashada aysan waqtigeeda ku dhici jirin, waxa doorashooyinka saldhig u ah shuruucda sida; sharciga doorashooyinka oo la ansixiyay 2020-kii, iyadoo muddo xileedka dowladdu ay ka dhiman tahay bilo.”

Waxa uu intaas kusii daray “Sharciga marka la diyaarinayo wuxuu u baahan yahay muddo labo sano ah oo laga diyaarinayo xeer hoosaadyo, habraacyo, hagayaal, la-tashiyo dadweyne iyo waxyaabo kale oo badan, intaas oo dhan ayeynaan wakhti u heysan, waana fursad hadda la helay.”