Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal taleefoon la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Antony Blinken.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoghaye Blinken kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Madaxweynuhu uu dowladda Mareykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay wadahadalkaas ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal. Madaxweynaha ayaa Dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Mareykanku wuxuu safka hore uga jiraa dowaladaha sida weyn isu-garab taagay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana aad u wanaagsan kalsoonida uu iskaashigooda ku qabo Madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu shaaciyey safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre oo maanta u waramay Idaacadda VOA.

“Waxaa sharaf ii aheyd in aan la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh markii uu ahaa Murashaxa oo waxaa wada-sheekeysi wanaagsan ku yeelanay Safaarada, waxa uu iga waramay aragtidiisa wadanka iyo waxa uu doonayo isaga oo metelaya shacabka Soomaaliyeed, muhiimad ayuu siinayay in wadar-ogol wax ku maamulo,” ayuu yiri Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxa uu ku jiraa marxaladii dowlad dhisida isaga oo ka fikiraya dadkii kusoo biiri lahaa si nolol fiican ugu abuuri lahaayeen dhamaan Soomaalida, waa la dhacay in uu yahay hogaamiye Qaran oo leh khibrad iyo aragti oo ku dhiiran in uu mustaqbal wanaagsan gaarsiiyo Soomaalida.”