Maxay Mahad Salaad iyo CC Shakuur ka yiraahdeen musharaxnimada Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay shaacintii musharaxnimadiisa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Ugu horeyn Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxa uu su’aal uga keenay sababta u suurta gelin weysay Kheyre in musharaxnimadiisa uu ku shaaciyo xaflad maamuusan.

“Degdegga iyo cabsida ka muuqatay qoraalkii Kheyre xalay soo dhigay facebook-giisa ee lala sugi waayay xaflad in loo dhigo maxaa loo fasiran karaa?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Nin magaaladii uu deganaa, Ra’iisul Wasaare ku noqday hal habeen xaflad ku dhigan waayay, sidee dal iyo dad in uu hoggaamiyo loogu aaminayaa?”

Siyaasiga Cabadiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna qoraal kale oo uu soo dhigay Facebook-giisa waxa uu Kheyre uga dalbaday in uu qolo u tiiriyo ama isagu qirto khalaadaad dhowr ah oo dowladda ka dhacay intii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa.

“Musharraxa cusub waan soo dhoweynaynaa, laakiin dhiibistii Qalbidhagax, weerarkii 17 Dec ee xarunta Wadajir, xil ka tuuristii Prof Jawaari, safar xannibkii labada madaxweyne iyo cunna qabateyntii Kismaayo masuuliyaddeeda ha qaato ama meel ha saaro. Mise isagoo og ayuusan haddana ogeyn?” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xasan Cali Kheyre ayaa 50-cisho kadib markii xilka laga qaaday waxa uu xalay shaaciyey in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.