Trump iyo Ilhaan Cumar oo isku haya qorshe lagu soo masaafurinayo Soomaali

Washington (Caasimadda Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe ay wadaan laanta socdaalka iyo kastamka dowladda Mareykanka, kaas oo sababi kara in Soomaali badan la musaafuriyo.

Dadka laga yaabo in lagu soo celiyo Soomaaliya waa dad si sharci darro ah ku jooga gudaha dalka Mareykanka, balse Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada aad uga soo horjeeda xukunka Trump ayaa diiday tallaabada maamulka Trump, ayada oo dhowr sabab sheegtay.

Sababaha ay Ilhaan ku diiday go’aanka ay qaadaneyso laanta socdaalka iyo kastamka dowladda Mareykanka, waxaa ka mid ah xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo arrimo la xiriira xanuunka Coronavirus oo mar kale kusoo laba kacleeyay dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar waxey aaminsan tahay in dib u celinta dadkaan ay halis weyn galin karto dadka ku nool gudaha Soomaaliya maadaama laga yaabo in dadka la celinayo ay qabaan xanuunka Covid-19 kadibna ay ku faafiyaan Soomaaliya.

Mareykanka waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarkoodna sharci heystaan, qaarna ay sharci la’aan isaga nool yahiin, tiro badan oo Soomaali ah ayaana laga soo celiyay wadankaas tan iyo markii sanadkii 2016 la doortay Donald Trump.

Qorshahaan ay wadaan laanta Socdaalka iyo Kastamka waxaa laga yaabaa inuu riixayo Donald Trump oo aad u neceb dadka soo galootiga ah, gaar ahaanna Soomaalida.