Musharaxnimada Kheyre oo laba si u saameyn karta madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo la filayey tan iyo markii xilka ra’iisul wasaaraha laga eryey.

Xasan Cali Kheyre wuxuu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan kooxda talada heysata ee Nabad iyo Nolol, waxeyna dadka falanqeeya siyaasadda Soomaalida iyo Geeska Afrika durba is tusayaan saameynta ay arrintaan ku keeni karto madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo kala ah:-

Xiriirka dibedda: Ra’iisul wasaarahii hore dalka Xasan Cali Kheyre ma aheyn kaliya xubin ka tirsan xukuumadda hadda jirta, balse wuxuu xubin firfircoon u ahaa kooxda Nabad iyo Nolol, waxaana jirta mudadii uu talada hayay inuu aad ugu hawlgalay siyaasadda arrimaha dibadda, taageero raadinta Beesha Caalamka iyo galagalka wadamada daneeya Siyaasadda Soomaaliya.

Intii uu xilka hayey wuxuu sameystay saaxiibo badan, wuxuuna ahaa mas’uulka ugu dhow beesha caalamka, marka la eego xubnaha dowladda, isaga oo saaxib dhow la ahaa dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka, Norway iyo UK. Kheyre wuxuu taas u adeegsan karaa inuu helo taageero uu ku galo doorashada, taasi oo noqon karta mid uu waayo madaxweynaha.

Xogta dowladda: Madaxda hadda talada heysa waxaad moodaa iney yara ka caga-jiidayaan doorasho xilligeeda ku dhacda, sidaas darteed ku dhawaaqista Xasan Cali Kheyre waxey kordhin kartaa cadaadiska arrintaas aan wali laga heshiin.

Kheyre wuxuu ogyahay wax aysan ogeyn dhammaan musharaxiinta kale, wuxuuna xogtaas u adeegsan karaa inuu madaxweynaha ku dhalleeceeyo. Tusaale, haddii Xasan Sheekh uu Farmaajo ku eedeeyo inuu doonayo muddo kororsi waxaa macquul ah inaan la aaminin, balse haddii Kheyre sidaas yiraah, welibana sheego waxyaabo madaxweynaha kala hadlay dad badan ayaa aamini kara.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Kheyre wax ka ogyahay qorshaha doorasho ee madaxweynaha, inkasta oo aysan taas u badneyn, sidaas darteedna uu u adeegsan karo inuu kaga guuleysto.