Madaxweyne Farmaajo ma ku saxnaa inuu Cabdinuur u dalacsiiyo ku-xigeenka agaasimaha Villa Somalia?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan agaasimihii warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed u dalacsiiyey xilka ku-xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada, waxaana maqaalkaan yar kusoo koobayaa inta aan ka aqaan Cabdinuur iyo shaqadii uu ka qabtay xafiiskii laga soo dalacsiiyey ee Warfaafinta.

Cabdinuur Maxamed Axmed, waa aqoonyahan dhallinyaro ah, wax ku bartay gudaha dalka iyo dibedda, lana soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo ka howlgalo Soomaaliya.

Wuxuu hardan adag, juhdi iyo dedaal aan hagari ku jirin u galay in uu ka miro dhaliyo hammigiisa ah in uu door ku yeesho samata-bixinta waddanka iyo in uu dhallinyarada ku hago u adeegidda bulshadooda.

Waxa uu door muuqdo ku lahaa ololihii uu kusoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaas oo uu u arkay in uu yahay shaqsiga kaliya ee samata-bixinkaro Soomaaliya.

20-kii bisha March 2017, madaxweyne Farmaajo oo maanka ku haayo dedaalkii, daacadnimadii iyo howlkarnimadii xilligii ololaha ayaa Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay xilka agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdinuur oo ah qabiir saxaafadeed, in badanna ugu soo adeegay bulshada mihnadda saxaafadda ayaa la wareegay xafiiska, wuxuuna billaabay tayeynta xafiiska warbaahinta madaxtooyada iyo ka shaqeynta isu soo dhoweynta madaxda qaranka iyo weriyaasha ka howlgalo xarumaha warbaahineed ee dalka.

Intii uu xafiiska joogay wuxuu ka shaqeeyey inuu wanaagsanaado xiriirka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saxaafadda, wuxuuna qaban qaabiyey dhowr kulan oo ay yeesheen madaxweynaha iyo Suxifiyiinta.

Sidoo kale, wuxuu Saxaafadda kala shaqeeyey in madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixo wax ka badalka sharciga saxaafadda oo ah sharcigii ilaalin lahaa wariyayaasha iyo warbaahinta.

Wuxuu kaalin weyn ku lahaa, iskana xilsaaray in aan la dayicin lana hilmaamin carruurta ay ka geeriyoodeen saxafiyiinta Soomaaliyeed, wuxuu ka shaqeeyay in ciid walba ay la ciidaan carruurta asaagood ah ee aabbayaashood u noolyihiin, inkastoo intaa iyo ka badan mudnaayeen haddana ma aysan heysan ka hor isaga.

Cabdinuur wuxuu sidoo kale waqti ku bixiyay, garab istaag u muujiyay, in ay caddaalad helaanna ka shaqeeyay saxafiyiinta kuwooda dulman, taas oo aan ka mid aheyn howlaha xafiiskaas isaga hortiis, wuxuuna si dhow ula shaqeeyay ururrada saxafiyiinta ka howlgala Soomaaliya.

Intaa iyo ka badan oo uu qabtay xilligii xilheynta xafiiska warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku abbaalmariyay dallacsiin iyo in uu u magacaabo kuxigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Dadka aqoonta dhow u leh, kuwa ay shaqo wadaagga ahaayeen iyo kuwa sheedda kala socday howlaha xafiiskii uu kasoo dallacay ayaa aaminsan in Cabdinuur mudnaa in la abbaalmariyo, waxa kaliya ee laga filan karana ay tahay is-beddel muuqdo oo la taabban karo iyo dardar gelinta howsha adag ee u taallo xafiiska cusub.

Dallacsiinta Cabdinuur ayaa ku soo aadday xilli Villa Soomaaliya isku diyaarineyso doorasho, howlo culusna ku hor gudban yihiin, taas oo ay dadka qaar aaminsanyiin in looga maarmi waayay.

Waxaa qoray Cabaas Cali Xasan
Email: filimside@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid